Wariye Sayid oo ku geeriyooday Addis Ababa

INAA LILAAHI WA INAA ILAAYHI RAAJUCUUN

Waxa Dalka Itoobiya Cisbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ku geeriyooday Alle ha u naxariisto’e Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo ahaa mulkilaha Telefishanka Horyaal24Tv.

Marxuumka ayaa xanuun u jiifay Cisbitaalka muddo todobaad ah, kaddib markii Hargeysa laga qaaday.

Alle ha u naxariisto’e marxuum Sayid wuxuu ahaa Rukun culus oo ka baxay bahda Warfaafinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu ahaa Suxufi, Halgamaa iyo Oday kaalin weyn ku lahaa dhismaha iyo horumarka Saxaafadda Somaliland, ilaa iminkana kaalintiisu muuqatay.

Geeridiisa waxaan ku tilmaami karnaa in xubin muhiim ah ay wayday Warfaafinta Dalku oo uu alle Oofsaday.

Qofna saanadiisa ma dhaafayo, waana dariiq lagu wada xukuman yahay godka iyo geeridu.

Sidaas awgeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay oo aan alle uga baryayo inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Marxuumka waxaan alle uga baryayaa inuu Jannada ka waraabiyo oo uu qabriga Iftiin iyo waasac uga yeello su’aashana u dhib yareeyo.

Mar kale waxaan si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Madaxda iyo Shaqaalaha Telefishanka Horyaal24 oo uu Oday iyo aasaase u ahaa, waxaanan alle u waydiinayaa inuu qalbiga uga reebo.

Waxa kale oo aan tacsi gaar ah oo taa la mida u dirayaa Xaaskiisii, Awlaaddiisa, ehelkiisa iyo qaraabada.

Ugu dambeyn waxaan ka tacsiyadaynayaa Bahda Dawan Media Group oo uu hore madax ugu ahaa, iminkana saaxiib dhow la ahaa.

Dhamaanteen Eebbe Samir iyo iimaan Saadiq ah ha inaga siiyo marxuumka.