Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay Heshiiskii Shidaalka ee Shirkadda Coastline Exploration

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay hannaanka toosinta iyo dhamaystirka heshiisyada wadaagga wax soo saarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashada, taasoo dhabaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda Fedaraalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhamaystirka heshiisyada wadaaga ah ee wax soo saarka shidaalka, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa dhacayaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero caalami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda toosinta iyo dhamaystirka heshiisyada waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ergayga gaarka Madaxweynaha ee arrimaha ganacsiga caalamiga ah, masuuliyiin ka tirsan Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo maamulka Shirkadda Coastline Exploration.