Xukuumadda Somaliland iyo Baanka Adduunka oo Shir uga furmay Nairobi

Shir ayaa uga furmay guddiyo farsamo oo ka kala socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Baanka Adduunka Salaasada maanta Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kaasoo la xidhiidha dardar-gelinta mashaariicda horumarinta ee dalka.

Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo shirkaa ka qaybgalay ayaa waxa hogaaminaya Agaasimaha Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmedyasin Xasan, kaasoo ay ku wehilayaan Agaasimahayaasha Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasaarada Horumarinta Biyaha.
Mudane Maxamed Cabdilahi Ducaale iyo Eng Cabdiraxman Belel iyo Xiidhiidhayaha Mashruuca Biyoole ee Somaliland Mudane Maxamuud Maxamed Cabdilahi oo kala ah agaasimeyaasha wasaaradda Biyaha iyo deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa qayb ka ah kulankan.
Shirkan oo qaadan doona dhawr maalmood ayaa lagu lafagurayaa sidii loo dardargelin lahaa Mashruuca Biyoole iyo Mashaariicda kale ee Baanka Aduunka ka fuliyo Somaliland.
Inta weftigu joogan Dalka Kiinya, waxay kulamo la qaadan doonaan madax ka tirsan Dawlada Kenya iyo Safaaradaha wadamada ay saaxiibka yihiin Somaliland, sida lagu sheegay warsaxaafaddeed ka soo baxay furitaanka shirkaasi oo warbaahinta Qaranku heshay.
Mashruuca Biyoole oo qaybo kamida dalka laga fuliyey, ayaa wax badan ka taray baahiyaha dhanka Biyaha ee deegaamada laga fuliyey, gaar ahaan waxa uu khuseeya qabashada Biyaha roobka iyo sidii looga faa’idaysan lahaa.