Somaliland iyo Taiwan: Saaxiibo isku-duruuf ah oo Muddo kooban Xidhiidhkoodu Jarayo Xawaare lama filaan ah

Waxay ku dhisan yihiin isku-tashi ummadeed, waxaanay halgan ugu jiraan horumarinta maaraynta jiritaankooda dawladeed iyo inay iska difaacaan cadowga ku liddiga ah oo guluf ku haya tallaabo kasta oo ay qaadaan oo ku saabsan aayahooda. Waxay wadaagaan baahida laba arrimood oo waaweyn oo muhiim u ah mustaqbalkooda (Aqoonsiga jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo cudud millatari iyo mid dhaqaale oo ay isku-filnaanshiyo kaga gaadhaan ku tiirsanaanta daneeyayaal kale oo aan dammaanad qaadi Karin difaaca dawladnimadooda).

Mid ka hore ee aqoonsiga kamid ahaanshiyaha Qaramada midoobay ayaa u ah muhiimada koobaad, waxaanu sugayaa madaxbanaanidooda dal ahaaneed, xuquuqda caalamiga ah ee muwaadiniintooda iyo xasiloonida yuhuuntooda siyaasaddeed iyo bulsho, hase yeeshee ma sahlana caqabadaha kaga gudban helitaanka qodobkaasi, waxaanay la’aantiisa kaga kaaftoomayaan dhismaha ilaha dhaqaale iyo inay ka fogaadaan xayndaabka faqriga si aanay ugu nuglaan xifaaltanka kuwa ay la hirdamayaan, waana huug ay ku soo jiidanayaan Ictiraafka ka maqan.

 

Labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan waxay muddo laba sannadooda tacab badan geliyeen hirgelinta xidhiidh diblomaasiyaddeed oo isu bedelay saaxiibtinimo, Is-dhex-gal dhaqaale iyo iskaashi dan-wadaageed waaritaan leh, kaasoo 2020-kii ku bilaabmay jawi laba eef ku abuuray Muqdisho iyo Beijing, kaddib markii mid waliba gaarkiisa ugu arkay tallaabo halis ku ah cadaadiska uu ku hayo dalka uu xorriyaddiisa kaga ciidaynayo fagaareyaasha loo dhan yahay.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal istaraatiiji ah Juquraafi ahaan, isla markaana khayraadka dhulkiisa ee dihin u diyaarsan yahay maalgashi maxali ah iyo mid caalami ah, halka Waddanka Taiwan uu kamid yahay wadamada horumarka ka sameeyey dhinacyada wershadaha, wax-soo-saarka beeraha iyo Tiknoolajiyada.

Todobaadkii hore waxa magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad ay qaabanqaabisay safaaradda Taiwan ku leedahay Somaliland, taasoo ay ku soo bandhigeen baddeecadaha ganacsi ee uu dalkoodu soo-saaro, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo ganacsatada Somaliland.

“Taiwan waxaynu wada joognay laba sanandood oo kaliya laakiinse waxay qabatay wax badan, waxaynu iska kaashanaa waxyaabo badan oo xaasaasi ah, qaarna way innaga caawisaa.

“Ganacsatadeena waxaan ku boorrinayaa inay wax ka soo iibsadaan oo aynu noqono saaxiibo ganacsi”sidaas waxa yidhi Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin). Wasiirka ayaa iftiimiyey in labada dalba danaynayaan inay iska-kaashadaan baayac-mujtarka oo ah isdhaafsiga baddeecadaha.

Saddex qaybood ayaa ugu shaacsan dhinacyada iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaana kamid ah macdanta iyo Shidaalka oo ay Taiwan danaynayso inay Somaliland ka taageerto soo-saarkooda, kuna lammaantahay inay qayb ka noqoto faa’idada dhaqaale ka shiilmaya. Tan Somaliland waxay uga baahan tahay kaalmo farsamo iyo tu aqoon-korodhsi inay ka hesho Taiwan, iyadoo looga faa’idaynayo muwaadiniinta. Arrinta labaad waa dhanka Beeraha oo fursad weyn u ah bulshada Somaliland ee hadda ku baraarugsan inay la soo baxaan dhuuniga ay cunayaan, isla markaana ay hagayso siyaasadda dawladda ee kobcinta wax-soo-saarka dallaga Beeraha. Waxa jira qaybo kale oo u badan taageero Somaliland ka heshay Taiwan, sida deeqaha waxbarasho iyo kaalmeynta xarumaha adeegyada caafimaadka ee dawliga ah.

Dhinacyadan Kaabeyaasha dhaqaalaha la xidhiidha ee Iskaashiga Taiwan waxa dawladda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland horyaalla laba fursaddood oo kala qiimo badan. Tan koobaad ayaa ah inay sugaan dalabaadka uga imanaya Taiwan-ta ka dhaqaalaha roon oo rabitaankeeda wax kaga iibsata, isla markaana iyadu jaan-goysa hadba waxyaabaha ay uga baahan tahay dalkan khayraadkiisu dhulka korkiisa iyo hoostiisa ceeggaago, taasoo uga dhigan Hargeysa shaqo ku-meel-gaadh ah oo ka dhaxaysa dal mustaqbalkiisu ku xidhan yahay saameynta uu adduunka ku yeesho.

Fursada labaad ayaa ah in Hay’adda Somaliland iyagu ay mar walba go’aamiyaan dheeli-tirka baahiyaha labada dal ee iskaashiga ku salaysan, kuna dhisan aynu wada guulaysano (Win win), taasoo halbeegeeda ugu hooseeyaa noqonayo in Taiwan Wershadaheeda waaweyn ee muhiimka ah ay keento Somaliland oo ay halkan ku samayso baddeecadaha, waxaana suurtogalnimada arrintaasi soo dhaweeyey bandhig-carweedka ay qabatay Safaaraddoodu Salaasadii todobaadkii hore oo uu danjiraha Xafiiskaasi madaxda ka ahi ka sheegay in labada dal dhaqaajiyeen horumar balaadhan muddo laba sannadood oo kaliya ah.

Danjire Allen Chenhwa Lou, ayaa munaasibada carwadaasi hadal uu ka jeediyey ku muujiyey sida uu dalkiisu ugu qanacsan yahay saaxiibtinimada ka dhaxaysa Somaliland, waxaanu soo dhaweeyey in ganacsatada Hargeysa ay ku xidhmaan suuqyada mushtarka ee Waddankiisa, taasoo ah mid kamida shaqooyinka diblomaasiyaddeed ee uu dalkiisa u qabanayo. Hase yeeshee dalabka Jamhuuriyadda Somaliland ee dareenkiisa saameynaya ayaa ah “in laysku-dheeli-tiro dalabka Hargeysa iyo baahida Taipei” sida ay qabaan khubarada diblomaasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Geesta kale, waxa jirta arrin kale oo muhiim ah oo la xidhiidha arragtiyaha siyaasadda caalamiga ah iyo saameynta ay ku yeellatay saaxiibtinimada labada dal. Waxa xaqiiqo in isku-jaalnimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhigeeda Taiwan wax ka bedeshay tilmaamihii diblomaasiyaddeed ee laga bixin jiray. waayo? Taiwan waxay saaxiib weyn ku yeellatay Geeska Afrika oo muhiimad khaasa u leh quwadaha caalamka, sida Shiinaha oo aan madaxbanaanideeda iyo jiritaankeeda dalnimo midna ogolayn, Ruushka iyo Maraykanka. Taas bedelkeeda Somaliland waxay jaal la noqotay Waddanka Taiwan oo gaashaan-buur la leh dawladdaha jaan-gooya siyaasadda adduunka,sida Maraykanka.

Faa’idooyinka ay ka heleen labada dhinac fursaha ay bixiyeen ilaa iminka waxay u muuqdaan kuwo isku-sar-go’an oo ay mid walba qadiyaddeeda caalamiga ah ku sharixi karto “waxa jira sharci la yidhaahdo US Taipei Act 2019. Somaliland,waxay uga faaiidi karta xag kaalmo dhaqaale ,waxayna xoojinaysa qadiyadda dawladnimada Somaliland. xaga kaalmada hayskaba koobnaate Taiwan way bilowday , Maraykankana oo xidhiidhka aynu Taiwan la yeelanay keenayna kaalmo badan ayeynu ka filaynaa”sidaasi waxa Wargeyska Dawan u sheegay Eng. Maxamed Axmed Caalin oo kamida dadka u dhaqdhaqaaqa qadiyadda madaxbanaanida Somaliland oo hadda degen dalka Kuwait.

Waxaanu intaasi ku daray “xaga aqoonsiga inkasta oo Soomaaliya olole weyn ku qaaday inaan Maraykanku ina aqoonsan, haddana mustaqbalka dhow waxaynu qabnaa rajo fiican”ayuu yidhi.