Wasiir Fagaare kaga cadeeyey Cirro arrin uu diiddan yahay

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa si adag ugu jawaabay musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Isal markaana fagaare kaga caddeeyay siduu musharrax Cirro ula dhacsanaa muddo kordhinta xilligii uu ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada ee xilkiisa loo kordhinayay,halka uu maanta xajiimaynayo tii shalay la wacnayd.

Waxaanu sheegay wasiirku in Cabdiraxmaan Cirro, markii uu ahaa guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland in golaha Guurtidu ay dhawr jeer u kordhiyeen muddo xileedka golihii xiligaa.
waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay oo aan la aqbali karin inuu xaaraan ku tilmaamo muddo kordhintii ay dhawaan golaha Guurtidu u sameeyeen madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ka dib markii gudida doorashooyinku ay caddeeyeen in aan doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomayn wakhtigii ay u muddaysnayd.

 

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa kaloo uu tilmaamay in madaxweyne Muuse Biixi, mudadda uu tallada hayay inuu waxqabad aad u badan dalka ka hirgeliyay, isla markaana uu xaq u leeyahay in muddo xileedka loo kordhiyo.
Wuxuu sheegay wasiirku in Cirro, uu muddo badan soo ahaa guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland shuruucda iyo xeerarka dalkana uu aqoon u leeyahay, sidaas darteedna aanay habboonayn inuu xaaraan ku sheego muddo kordhin ay sameeyeen gole sharci ah, awoodna u leh arrintaasi.
Waxaanu yidhi, “Cabdiraxmaan Cirro, isaga laftiisa hadaanan khaldanayn todoba sannadood ayaa loo kordhiyay, oo ay golaha Guurtidu u kordhiyeen intii uu joogay guddoomiyaha golaha Wakiiladda. Ma maanta ayay xaaraan noqotay? Hadday xaaraan noqotay, maxay ahayd tii golah Wakiiladda loo kordhiyay markii uu guddoomiyaha ka ahaa.

Xeer dejinta labadda gole wixii ay dejiyaan oo inoo xeer ah. Labadda gole ee Guurtidda iyo Wakiiladu, wax bay wada leeyihiin, wax na way kala leeyihiin, dastuurka ayaana siiyay. Guurtidu wixii ay u arkeen qaranka iyo ummada in lagu bad-baadiyo, oo ay sharci tahay, ayay sameeyeen.
Una malayn maayo, in ay habboon tahay in musharraxa xisbiga Waddani ee doonayo madaxweyne inuu noqdo, oo uu sharciga ku noqdo, inuu xaaraan ku tilmaamo muddo kordhinta ay madaxweynaha u sameeyeen 82 muddane oo Guurtidii ah, Xaq na u leh. Markaa ilama habboona xeerkaasi in aynu xajiimayno, oo aynu xaaraan ku sheegno”.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay xaflad qalin jebin ah oo magaaladda Hargaysa loogu qabtay arday ka aflaxday dugsiga Miami oo ku yaalla caasimadda Hargaysa.
Xafladaasi oo hadal uu ka jeediyay musharraxa madaxweynene ee xisbiga Waddani uu xaaraan iyo sharci darro ku tilmaamay muddo kordhintii ay dhawaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa u sameeyeen golaha Guurtidda Somaliland.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa Cirro, iyo madaxda kale ee xisbiyadda mucaaradka ah ugu baaqay in ay ixtiraamaan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla, maadaama oo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ee aynu innagu samaysanay, isla markaana ku qanacnay.
“Waxaynu nahay ummad iyadu xeerarkeeda iyo Dastuurkeeda samaysatay, ku na qanacday in ay adeecdo. Imika na anigu, beryahaa si xoog ah ayaan u waday dastuurka iyo barashadiisa, oo waxaan is lahaa madaxda sare, iyo Minjuhu ba way ka dheregsan yihiin dastuurka iyo sharcinimadiisa. Taana haddii ay weli koorasyo nagu hadhsan yihiin, dib ayaanu idiinku soo celinaynaa.
Waxaan leeyahay sharciga aynu ixtiraamno, goleyaasha aynu ixtiraamno, xisbiyada na aynu ixtiraamno, oo halka aynu u socono aynu ixtiraamno” ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka Goleyaasha Somaliland.

Geesta kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa xisbiyadda mucaaradka ah ku eedeeyay in ay iyagu leeyihiin masuuliyadda dib u dhaca doorashada madaxtooyadda, isla markaanna muddo laba sannadood ah in iyaga laga sugayay in ay soo magacaabaan xubnahoodda ku metelaya komishanka doorashooyinka.
Waxaanu yidhi, “Dib u dhaca doorashooyinka, xisbiyadda mucaaradku iyagaa sabab u ah. Waxaanad xog ogaal u ahaydeen, in xubnahan komishanka ee imika la majeeranayo, laba sannadood in ay buuxsamaan, oo la ansixiyo muddo dheer ayaa xisbiyadda mucaaradka ah laga sugayay, in ay keenaan oo la ansixiyo, oo ay inagu adkaatay.
Waa ILLAAHAY mahaddii, mar haddii maanta lagu qanacsan yahay, wixii ay komishanku keenaan. Labadda sannadood ee ay Guurtidu madaxweynaha iyo ku xigeenka u kordhisay, wakhti ka yar haddii doorashadda lagu qabto, way u bannaan tahay komishanka, oo sagaalka bilood ee komoshanku soo jeediyeen, iyo labadda sannadood ee Guurtidu kordhisay, isma diidayaan”.