Kulanka Agaasima Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil eeXafiiska Guud Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka

Waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-Oct-2022 kulan dhex maray xafiiska guud ee kaadhka aqoonsiga muwaadinka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil , kulankaas oo daba socday Is barashadii iyo xog isa siintii siday shaqadu ugu socoto Waax kasta oo ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Gudahu ka koobantahay.

Waxana Agaasimaha Guud Xafiiska kusoo dhaweeyay dhamaan shaqaalaha ka hawl galasha Xafiiska guud ee bixinta kaadhka aqoonsiga muwaadinka.

Ugu horayn Madaxa Xafiiska Guud ee kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka Yaasiin Cismaan Diiriye ayaa Agaasimaha Guud warbixin kooban ka siiyay sida ay shaqada maalin laha ahi uga dhacdo xafiiska, maadaama xafiisku Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsanyahay bixinta Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka yahayna xafiiska ugu shaqada badan oo labada galinba u shaqeeya muwaadiniinta reer Somaliland tan iyo maalintii la aasaasay.

Sidoo kale waxa bandhig loogu sameeyay Agaasimaha Guud, warbixin ka hadlaysay:-

➢ maalintii la aasaasay xafiiska guud ee kaadhka aqoonsiga Muwaadinka,

➢ caqabadihii kala duwanaa ee soo waajahay xafiiska mudadaas uu shaqaynayay iyo

➢ dhamaan wixii horumar ah ee uu ku talaabsaday xafiisku sida:

✓ kor u qaadida iyo sugida xogta muwaadinka oo ah ta ugu muhiimsan ee uu xafiisku u qaabilsanyahay qaranka JSL

✓ isku xidhka systems-ka kale ee dawlada iyo sida ay hay’adaha dawladu uga faaidaysteen Xogta Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka si qof walba u yeesho hal xog oo isku mid ah.

Ka bacdi markii uu warbixintaas balaadhan agaasimaha guud ka dhagaystay shaqaalaha xafiiska guud ee bixinta kaadhka aqoonsiga muwaadinka waxa uu ku amaanay shaqada ay qaranka u hayaan, waxana uu ku dhiiri galiyay inay shaqada halkaas kasii wadaan kana sii horumariyaan wixii dhiman isaguna uu kala shaqayn doono wax kasta oo ku saabsan horumarka xafiiska iyo dhamaan xafiisyada kale ee hoos yimaad xafiiska guud ee kaadhka aqoonsiga muwaadinka.