Dab ka kacay guri Hargeysa ah iyo gurmadka Ciidanka

Hargeysa (GNA)Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa gaar ahaan ciidamada Taliska guud ayaa u gurmaday guri Jiingada oo dab qabsaday kaasi oo ku yaala xaafada Sheekh Madar.

Alle mahadii Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ku fidiyay guryihii kale ee jaarka.

Ma jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho oo dabkaasi sababay.Sababta dabkaasna waxaa gacanta ku haya ciidanka Booliska.

Ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan bulshada inay ka taxadaraan halista dabka, sidoo kalena ka feejignaadaan wax kasta oo dhalin kara dab.

Hadii aad dab la kulanto soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 Shirkadaha Telesom iyo Somtel.

Ugu dambayn ciidamada ayaa mulkiilihii gurigaa lahaa gudoonsiiyay hanti iyo dhukumantiyo dabka laga soo saaray.