Tahriibeyaal ku le’day Jasiirrada Lesbos

Wararka laga helayo jasiirada Lesbos ee dalka Greece-ka ayaa sheegaya in 17 mayd ah laga helay oo 16 ay Dumar yihiin iyo Hal wiil halka dadka la laayahayna lagu sheegay 22 qof .

Doonta ayaa ka shiraacatay xeebaha dalka Turkiga kuna sii jeeday magaalada Lesvos iyadoo ay ku jirtay xaalad cimilo xumo.

Dadka badbaaday iyo kuwa qarqamay ayaa u badana Afrikaan iyo suuriya inkasta oo wararka qaar sheegayan inay Soomali ku jiraan.

Safarka halista ah ee kasoo gudbaya badda Aegean ee xeebta galbeedka Turkiga ilaa bariga Giriigga ayaa galaaftay nolosha tobannaan muhaajiriin ah baryahan danbe .

Xigasho: Suxufi Shiine Elmi Kaahin

Istanbul