Shirka guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo Jigjiga ka socda iyo amniga magaalada oo la adkeeyay

Jig-jiga – Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay Shirka guddiga fulinta ee Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Barwaaqo, iyadoo shirkan ay kasoo qayb galeen Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ahna madaxa xisbiga Barwaaqo Abiyi Axmed, wasiiro heer federal ah iyo madaxda dowlad degaannada dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxyaabaha lagaga hadli doono waxaa kamid ah xaaladda guud ee dalka Itoobiya, iyo sidii loo wajihi lahaa wada hadallada u dhaxeyn doona dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Haddaba Shirkan guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo sida la qorsheeyay socon doona ilaa laba maalmood, ayaa la filayaa inay kasoo bixi doonaan qorshayaal iyo go’aano muhiim u ah dadka iyo dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa kusoo hagaagay xilli la filayo in dowladda Itoobiya iyo TPLF oo muddo badan dagaallamayay uu wada hadal uga furmi doono dalka Koonfur Afrika, iyadoo sidoo kale uu Shirkani kusoo beegmay xilli colaaddo kala duwan ay ka jiraan meelo kala duwan oo kamid ah dalka Itoobiya.

Geesta kale inta uu Shirkani socdo ayaa waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Jigjiga, iyadoo waddooyinka waawayn ee magaalada dhex mara laga mamnuucay gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo gaadiidka hay’addaha amniga, iyadoo dadkuna ay luguhooda maalayaan walaw Bajaajtu iyo gaadiidka daweynuhu ay marayaan waddooyinka xaafadaha dhexdooda ah, kuwaas oo intooda badan aan ahayn kuwo dayactiran oo socodka ku haboon.

Dadka reer Jigjiga ayaa cidhiidhi badan dareema xilliyada sidan oo kale magaalada ay u yimaaddaan martida ka timaadda heer federal ama magaalada lagu qabanayo munaasabado heer federal ah, iyadoo maalmaha sidan oo kale ah ay adag tahay inaad hesho gaadiid aad ku timaaddo goobtaada shaqo ama aad ku tagtid gurigaaga.