Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Jacob Zuma oo xabsiga laga soo daayay

PIETERMARITZBURG —(GNA)Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa xabsiga laga soo daayay kadib markii uu dhammeystay xukunkii xabsiga ahaa ee lagu xukumay, sida ay sheegtay dowladda dalkaas.

Zuma ayaa sanadkii hore lagu xukumay 15 bilood kadib markii uu iska dhaga tiray awaamiir maxakamadeed oo amreysay inuu yimaado dhageysiga eed la xidhiidhay musuqmaasuq intii uu ahaa madaxweynaha dalkaas, laakiin ay maxkamaddu sheegtay inuu ixtiraam darro ku sameeyay amarkaas.

Zuma ayaa is dhiibay Toddobadii Julay ee sannadkii hore, si uu u bilaabo xukunkiisa muddada uu xabsiga ku jirayo, taasoo kicisay rabshadihii ugu xumaa ee Koonfur Afrika soo marta muddo sannado ah, iyadoo taageerayaashiisa xanaaqsan ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Bayaan uu soo saaray ayuu Zuma ku sheegay inuu dareemay nafis markii uu noqday nin xor ah, wuxuuna u mahadceliyay taageerayaashiisa.

Zuma ayaa lagu sii daayay cafis caafimaad bishii Sebtembar 2021.

Balse bishii December, maxkamada sare ayaa dhinac isaga saartay go’aanka sii-dayn sharafeedka, waxayna ku amartay inuu xabsiga ku laabto.

 

Reuters.