“Khayraadka Bada iyo Berriga isku Filnaansho ayaynu ka Gaadhi Doonaa”Wasiir Warfaa

Hargeysa(GNA)-Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay in Xooluhu yihiin
laf dhabarka Dhaqaalaha Waddanka.

Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay in ay u xilsaarantahay Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga daryeelka iyo Caafimaadinta Xoolaha,waxaanu intaa ku daray in qaranka ay u hayaan shaqo wayn.

Maxamuud Jaamac Warfaa oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Xooluhu waa laf dhabarkii Dhaqaalaha Waddanka,waxa ay u xilsaaran tahay Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga,ka warqabka Xoolaha hadday tahay Caafimaadinta Xoolaha hadday tahay naaxintooda Calafsiintooda iyo Ceelasha ay ka cabbayaan.hawlo badan ayaanay Wasaaradani u haysaa qaranka,”.

Wasiir ku Xigeenka ayaa tilmaamay in Warshadaha Kalluunka ee dalka laga hir galiyay lagaga maarmi doono Kalluunkii dibedda ka iman jiray.Waxaanu yidhi”Ilaa saddex Warshadood oo Kalluunka ayaa gacanta lagu hayaa oo ku dhaw in ay dhamaadaan,waxaanay innaga haqab tiri doonaan Kalluunkii dibedda laga keeni jiray dad kuna shaqo ayay ka heli doonaan Khayraadka Badda iyo Khayraadka Berriga isku filnaansho ayaynu ka gaadhi doonaa wakhtiyada soo socda,”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka ayaa waxa uu uga mahadceliyay Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyay.Waxaana uu yidhi”Waa waajibaadkii Golaha Wakiilada lahaa si wanaagsan ayuuna noo ansixiyay,waana uga mahadcelinayaa”.