Somaliland: 20 Arday oo ku dhaawacmay Shil Gaadhi

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr. Cabdixakiim Siciid Bustaale, ayaa ka hadlay 20 arday oo ku dhaawacmay laba bas oo isku dhacay, kuwaas oo ka mida gaadiidka qaada ardayda wax ka barata dugsiga Kuweydiga ee magaalada Hargeysa.

Waxa uu wasiir ku xigeenku xusay in ardayda dhaawacantay in xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray in ay masuuliyaddaro tahay in wadaha gaadhigu xaawaraha uu doono uu ku kaxeeyo gaadhiga, isla markaana aanay ahayn arrin habboon in dhiiga ardayda lagu tartamo.

Geesta kale waxa uu wasiir ku xigeeenku ciidamada nabadgelyada waddooyinka ka dalbaday in ay gaadiidka dadweynaha ee xawaaraha sare ku maraya gudaha magaalada in ay tallaabo ka qaadaan.

Waxaanu yidhi.“Shilkan maanta dhacay wax ka weyn ayaa iman karaya, waa masuuliyaddaro weeyi, way tartamayaan, iyaga oo ku tartamaya in uu arday qaado, hadana ka gaadhsiiyo arday, kale haddana kuwa kale qaado, arintaasi waa masuuliyad darro, iskuuladana ka yeelimayno, maamulayaashana ka yeelimayno, wadayaasha gaadiidkana laga yeelimaayo, wasaaradduna waajibka ka saaran ayay qadan doonta, khasaaraha dhacayna waa mid saamayn ku yeeshay waddanka oo dhan, ardayda dhaawacantayna waa kuwa loo barbaarinayay waxbarasho, maaha arday dhiigooda lagu tartamayo”