Qamadiga Ukraine ee loo dirayo Soomaaliya oo war kale ka soo kordhay

Markabkii shanaad oo u kireysan hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa soo gaaray magaalada dekada ah ee bada madow ku taalaa ee Chornomorsk ee dalka Ukarine, waxaana uu markabkani shixnadda raashinka ah gaarsiin doonaa Soomaaliya sida ay sheegtay wasaradda kaabeyaasha dhaqaalaha ee Ukraine Axada maanta ah.

Ukraine ayaa horey ugu dirtay Qamandi dalalka Ethiopia, Yemen iyo Afghanistan kuwaasoo sii marey WFP.

Dhoofinta wax soo saarka beeraha ee Ukarine ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu bilowdey dagaalka uu Ruushku dalkaas ku qaadey.

Dekedaha ku yaala badda madow ayaa ahaa marinka uu raashinkani sii mari jira kaasoo isna xirmey dagaalka awgiis, waana sababta keentey sare u kaca cunada dunida iyo cabsida ku aaddan in Africa iyo Bariag Dhexe ay cuno yari wajahaan.

Sedex magaalo dekedeed oo ku yaalla Bada Madow ayaa xannibaadii saarneyd laga qaadey dhamaadkii bishii July ka dib heshiis dhex marey Moscow iyo Kyiv oo ay soo qaban qaabiyeen Turkiga iyo QM.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtey maanta in isku geyn 5.8 Million oo Ton oo wax soo saarka beeraha dalkaas ah ay ka dhoofiyeen Ukraine tan iyo markii uu heshiiskaasi QM ay garwadeenka ka aheyd uu dhaqan galey.

Cunadaas ayaa waxaa ka mid ahaa 114,700 oo tan oo ka shiraacdey dekdaha badda madow ku yaala waxaana wadey 8 markab oo maanta ka furtey halkaas.