Somaliland oo qaabishay Qaxoonti cusub oo ka soo qaxay Yemen

In ka badan 150 qoys oo Soomaali ah qaxoonti ah oo ka soo qaxay Dalka Yemen, magaalada Cadan ee caasimada ah, ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Berbera, halkaasoo uu keenay Markab siday maanta oo Khamiis ah.

Waa Markabkii 43-aad ee qaxoonti sida ee Somaliland soo gaadhay tan iyo markii ay dagaaladu ka qarxeen dalka Yemen.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariin Xinif iyo masuuliyiin ka socda hay’adda UNCER, ayaa ku booqday goobta lagu nasiyo qaxoontiga ee magaalada Berbera.

masuuliyiinta Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Somaliland waxa ay sheegeen in mashruucani socday muddo todoba sannadood gaadhaysa.

Halkan ka Daawo Muuqaal: