Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha oo xilka la wareegay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa saaka Xilkii Wasaaradda Arimaha Gudaha si rasmi ah ula wareegey.

Munaasibad ka qabsoontay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, ayuu xilkii Agaasimaha Guud kula wareegay, iyadoo ay Munaasibadan ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Naasir Caydiid Maxamed, Agaasimaha Amniga ee Wasaaradda Arimaha Ibraahim Cali Ismaaciil, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Maroodi Khadar Baaruud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Shaqaale Waynaha Wasaaradda.

Ugu horayn waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, iyadoo ay shaqada Wasaaradda ka war bixisay Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Aamina Xaaji, oo faah faahin ka bixisay shaqada Wasaaraddu qaranka u hayso, tirada Waaxyaha iyo shaqaalaha guudba.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore oo ay soo wada shaqeeyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yusuf Ismaaciil, ayaa si wayn ugu ammaanay Agaasimaha shaqo wanaag, karti iyo hogaamin, isagoo oo intaa u daray in Agaasime Maxamed Yuusuf, ka mid yahay hoggaamiyaasha da’da yar ee Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland u soo socda mustaqbalka dhow.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Agaasime Maxamed Yuusuf uu ka soo bixi doono shaqada cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo madasha ka hadlay ayaa qalbi furan ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, isagoo Wasiirku balan qaaday in ay si fiican u wada shaqaynayaan, shaqadana iyo masuuliyiintana maalin ba qof joogo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Maxamed yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay sida ugu faraxsan ahay Wasaaradda Cusub ee loo soo magcaabay, isagoo u mahadnaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Masuuliyada uu u igmaday Madaxweynaha Somaliland, isaga oo intaa ku daray in ay si fiican u wada shaqayn doonaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaraddaba.

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa ah shaqsi hawlkar ah oo soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horuumarinta Biyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta iyo Maamulaha Madaarka Egal International Airport, oo muddo ka soo shaqaynayey, iyada oo la isku raacay in aanay Agaasime Maxamed Yuusuf, aanay weligii aanay is khilaafin Masuuliyiintii uu la soo shaqeeyey.