Carruurta Caloosha ku jirta oo la ogaaday cuntooyin ay ku qoslaan marka Hooyadu cunto

Haddii aad ka mid tahay dadka aan jecleyn dhadhanka qaxwada iyo noocyo kale oo raashinka ah, qaar kalena aad dhadhankooda ka heshid, kaligaa ma tihide waa lagula qabaa dareenkaas.

Cilmi-baaris cusub ayaa lagu soo bandhigay noocyada raashinka ay ku farxaan iyo kuwa ay ka caroodaan ilmaha ku jira uurka.

Daraasad ay dhawaan seynisyahanno ku sugan UK ku sameeyeen 100 haween ah oo uur leh iyo ilmaha calooshooda ku jira ayaa lagu ogaaday in marka ay hooyada xaamilada ah cunto karooto ay ilmaha uurkeeda ku jira ”dhoolla-caddeeyaan” marka ay khudaarta cagaaran cuntana ”aysan ku farxin”.

Dumarka ka qeyb qaadanayay daraasadda ayaa la siinayay kiniiniyo ka sameysan karooto budo laga dhigay, halka 35 ka tirsan haweenkaas la siiyay kiniiniyo ay ku jirto budo ka sameysan khudaarta kabashka.

Kooxda seynisyahannada ah ee daraasaddan soo saaray ayaa waxa ay Majalladda ka faalloota Seyniska Cilmi-nafsiga ku qoreen in 20 daqiiqo kaddib markii hooyooyinka uurka leh la siiyay karootada ay raajooyinka laga qaaday sawirradooda muujiyeen inay ku farxeen, ayna dhoolla-caddeynayeen.

Ilmaha ay gaadhay saameynta budada khudaarta kabashka ayaan ku farxin dhadhankaas, waxaana sawirradooda wajiga ka muuqatay in ay caroodeen.

Sawirrada ayaa lagu qaadayay raajooyinka casriga ah ee loo yaqaanno ”4D ultrasound”.

Soddon dumarka uurka leh ah oo aan wax raashin ah la siin ayaan ilmaha calooshooda ku jira lagu arkin wax falcelin ah.

Daraasado hore ayaa muujiyay in kala doorashada dookha noocyada raashinka ee aan jecelnahay ay soo billaabato inta aynaan dhalan ka hor; taasoo ku xidhan waxyaabaha ay hooyadu cunto, dareereyaasha ku hareereysan ilmaha uurka ku jira ayaana yeelan kara dhadhanno kala duwan.

Balse daraasaddan cusub oo lagu fuliyay Jaamacadda Durham ayaa lagu sheegay in hadda ay tahay markii ugu horreysay ee wax laga ogaado fal-celinta la xiriirta raashinka ay hooyadu cunto iyo ilmaha ku jira makaanka.

Mid ka mid ah seynisyahannada ka qeyb galay cilmi-baarista, oo lagu magacaabo Nadia Risland, ayaa tiri: “Daraasad hore waxaan ka barannay in raashinka ay ilmaha ku helaan caloosha hooyada uu muhiim u yahay caafimaadka mustaqbalka carruurta iyo bad-qabkooda. Balse ma garaneyno xilliga ay billaabato arrintan.

“Tijaabada aan sameynay waxaan, annagoo isticmaaleyna kaniiniyo kaabsol ah, cunto gaadhsiinnay carruurta uurka ku jira 32 isbuuc iyo 36 isbuuc, sababtoo ah raashin qaadashadoodu waxay u muuqataa mid aan la fahmi karin.”

“Waxaan rabnaa inaan sii wadno cilmi-baadhisteenna oo aan ogaanno xogta ku saabsan carruurtan marka ay dhashaan kaddib iyo haddii ay sii xiiseeyaan dhadhanka karootada.”

Waxa ay intaas ku sii dartay Nadia Risland: “Waxaan rajeyneynaa in ay dhalashadooda kaddib la qabsadaan cunista khudaarta cagaaran si ay uga helaan caafimaad.”

Seynisyahanadda ayaa dhanka kale sheegtay in ay jirto sabab kale oo ay carruurta uurka ku jirta u diidaan dhadhanka kharaar.

“Waxaan sidoo kale isla xidhiidhinnaa dhadhanka kharaar iyo waxyaabaha khatarta ah, waxaana uga fal-celinnaa si degdeg ah, balse maadaama kharaar kasta uusan khatar ahayn waa inaan baranno sidii aan ula qabsan lahayn, annaga iyo carruurteennaba. Cuntooyinka kharaar qaarkood waxay u fiican yihiin caafimaadka.”

Nadia Risland waa madaxa qeybta cilmi-baarista carruurta uurka ku jira ee Jaamacadda Durham.

Waxa ay BBC-da u sheegtay in “ilmaha uurka ku jira ay muujiyaan jaceylka ay macaanka u qabaan iyagoo 14 isbuuc ku jira caloosha”.