Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeer ku sameeyey dugsiga sare ee Qalax iyo Bariishka Shariif Cali ee Gudaha Gabiley

Gabiley:11-09-2022-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayo ee safarka shaqo u joogay qaar kamid ah gobollada Galbeedka, ayaa maanta kormeeray dugsiga sare ee Qalax, kaas oo ay wax ka bartaan arday tiro badan oo deegaanka ah.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socday waxay iyadoo duruustu socoto halkaas kusoo dhaweeyey maamulka dugsiga Qalax, Marwo Amran Cabdi Muxumed, iyada oo madaxweynuhuna mid mid u galay fasallada kala duwan ee dugsiga oo ay Ardaydu ku gudo jireen duruustoodii maalinlaha ahaa, isaga oo u kuurgalay qaabka ay waxbarashadu ugu socoto, Ardaydana ku waaniyey inay waxbarashadooda ku dedaalaan.

Dhinaca kale, madaxweynaha iyo xubnaha safarka shaqo ku wehelinayaa waxa ay kormeereen Biriishka xaafadda Shariif Cali ee gudaha magaalada Gabiley oo dhismihiisu heer gebogebo ah maraya, waxana uu madaxweynuhu halkaas warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta gacanta ku haya dhismahaas.

dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray Dhaam biyood laga hirgeliyey gobolka Gabiley iyo Maktabadda akhriska ee Magaalada Gabiley.