Dawladda hoose ee Hargeysa oo degsiimo u samaysay shan boqol oo Qoys

Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa degsiimo u samaysay shan boqol oo Qoys oo Ciidamada Qaranka ah.
Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafaddeed ka soo baxay xafiiska Dawladda hoose ee caasimada, kaasoo u dhignaa sidan:
“Waxaanu Saaka Dagsiimo u samaynay isla markaana aanu u qaybinay dhul ay dagaan ku dhawaad 500 oo qoys oo ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland.

Qoysaskan aanu Dagsiimada u samaynay ayaanu ka rarnay agagaarka Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.
Qoys kasta oo aanu saaka rarnay waxa aanu siinay Lacag, Dhul, Gaadhi uu ku guuro, Taangiga Biyaha lagu shubto iyo hawl wadeeno ka tirsan Dawladda Hoose oo u fududeeya furista iyo dhisitaanka aqalkiisa.

Ciidamadeena Qaranka ee kala duwan waxa ay xaq inoogu leeyihiin in ay helaan goobo ay dagaan madaamoo ay Qaranka u hayaan hawl shaqo oo aad u adag”