Madaxweyne Biixi iyo aqoonyahanka Gobolka Awdal: Madal Su’aallo iyo Jawaabo laysku dhaafsaday

Boorama-09-09-2022-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay aqoonyahanka gobolka Awdal, waxaana kulanka diiradda lagu saaray horumarinta gobolka, iskaashiga xukuumadda iyo bulshada deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu sharraxay waxyaabaha xukuumaddu gobolka ka qabatay iyo sida ay ugu hagar baxday.

Qaar kamid ah aqoonyahanka gobolka Awdal oo kulanka ka hadlay, ayaa madasha kasoo jeediyey talooyin iyo afkaar muhiim ah oo lagu horumarinayo gobolka iyo guud ahaanba qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo sharraxaad dheeri ah ka bixiyey habab fudud oo bulshada gobolka iyo xukuumaddu u wada shaqayn karaan.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada gobolka Awdal ku adkeeyey inay isku duubnaadaan, xukuumaddooda wax la qabsadaan, isku-tashi iyo isku duubnina muujiyaan.

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Biyaha iyo waxbarashada iyo sayniska, Mudane Cali Xasan Maxamed iyo Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo aqoonyahanka la hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxqabadka ay xukuumaddu ka hirgelisay gobolka Awdal iyo sida hagar la’aanta ah ee ay gobolka uga fulisay mashaariic bulshada manfac u leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aqoonyahanka kasoo jeeda gobolka Awdal, ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay sida milgaha iyo aqoonta leh ee ay usoo bandhigeen afkaartooda, isaga oo ku ammaanay talooyinka lexejeclada leh ee ay halkaas kusoo bandhigeen iyo fahankooda sarreeya ee dhinaca dawladnimada.

Ugu dambayntii, qaar kamid ah aqoonyahankii madasha ku sugnaa, ayaa madaxweynaha halkaas ku weydiiyey su’aalo kala duwan oo ku saabsan Barnaamijyada kala duwan ee ay xukuumaddu ka hirgelisay gobolka Awdal, kuwaas oo uu madaxweynuhuna mid mid uga jawaabay.