Wasaaradda arrimaha gudaha oo joojisay codsi isu soo bax oo loo gudbiyey

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa joojisay codsi isu soo bax ay ku dalbanayeen, ururka xuquuqal iinsaanka iyo horumarinta bulshada.

War qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa u dhignaa sidan.

“Tixraac warqadda ka soo baxday Community Development and Human Rights Organization ee ku Taariikheysan 04/09/2022, ujeedadeeduna tahay Codsi Isku Soo Bax.

Haddaba, waxaan idinku wargelinayaa in aanay Suurtagal ahayn in wakhtigan oo lagu jiro ansixintii iyo hawlihii ururada aanay wax isku soo baxa ah la samayn karayn, waxaanan joojinay in la sameeyo wax isku soo bax ah.

Sidaas darteed, iyadoo wixii faah-faahin ah aad ka helaysaan lifaaqa warqaddan, dhamaan mas’uuliyiinta ay ku socoto warqadan iyo kuwa ogaysiinta ku leh waxaan la socodsiinayaa in aanay wasaaradda arrimaha guduhu aanay oggolaan isu soo baxaa oo ay joojisay.”