Maxkamadda sare ee Kenya oo go’aan ka soo saartay Doorashada Madaxweynaha dalkaasi ee lagu murmay

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa xukuntay in William Ruto si sax ah loogu doortay madaxweynaha Dalkaas, iyadoo meesha ka saartay dacwado dhowr ah oo la doonayay in lagu baabi’iyo natiijadii doorashadii 9-kii Ogosto ka dhacday Waddankaasi.

Murrashaxa la tartamayey ee Raila Odinga, ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada in ay dhacday wax isdaba marin ballaadhan, oo ay ka mid tahay faragelin lagu sameeyey foomamka natiijada doorashada.

Mr Ruto ayaa helay 50.5% codadkii la dhiibtay doorashadii sida adag loogu dagaalamay.

Toddobaadka soo socda ayaa loo dhaarin doonaa xilka madaxweynaha shanaad ee dalkaas.

Siddeeddii codsi ee ka dhanka ahaa doorashooyinka waa la laalay. Maxkamaddu waxay heshay qaar ku salaysan dukumeenti been abuur ah, sida uu sheegay madaxa caddaalada Martha Koome.

Xukunka maxkamadda ayaa soo afjaraya murankii doorashada kaas oo soo billowday kaddib markii lasoo gabagabeeyay doorashooyinkii bishii hore dhacday.