Wasiir Aarre oo fagaare ku soo bandhigay fursadaha Maalgashiga ee Somaliland ka jira

Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Mudane Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa safar ku tagay caasimada dalka Ingiriiska ee London.

Wasirka ayaa booqday Safaarada Somaliland ee Wadanka Ingiriiska halkaasi oo uu kula kulamy Safiirka Somaliland u fadhiya Waddanka ingiriiska  Cabdi Cabdilaahi, halkaasi oo uu safiirku ku soo dhaweeyay wasiirka.

Sidoo kale wasiirka ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay Jaaliyada Somaliland ee wadanka England gaara ahaan ganacsatada ree Somaliland oo uu kula kulamay Safaarada Somaliland ee wadanka ingiriiska.

Kulankan oo uu wasiirka ku wehelinaayay Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka UK, ayaa waxa uu wasiirku kusoo bandhigay fursadaha maalgashi ee waddanka yaalla iyo sidii ganacsatada qurbe-jooga uga faa’iidaynlahaayeen fursadahaas waddankana isla markaana u maalgashan lahaayeen.