Maxkamadda gobolka Hawd oo xukun adag ku riday shan dambiile

Bali-gubadle(GNA)-Maxkamadda Gobol/Degmo ee gobolka Hawd, ayaa xukun isugu jira xadhig iyo ganaax ku riday laba shan Nin oo lagu helay dambi ah inay ka ganacsaneyeen Maandooriyaha Khamriga oo lagu qabtay, kuwaasoo Maxkamadda la soo hortaagay laba kamida, kuwa kalena lagu raad-jooggo.

Dhegaysiga dacwada raggan maandooriyaha lagu qabtay oo ka socotay Maxkamadda, ayaa waxa u caddaadtay inay dambiileyaal qaran yihiin, kuna kaceen fal ku lidi ah shareecada Islaamka, xeerarka iyo dastuurka dalka, taasoo ay ku mutaysteen ciqaabta lagu xukumay.

Xamdi Xasan Ismaaciil oo 25 jir ah, Ina Basra Cabdi, ayaa waxa Maxkamaddu ku xukuntay 8 sanno xadhig ah, kaddib markii ay ku cadaatay inuu yahay caadeyste ka ganacsiga Maandooriyaha ah.

Sidoo kale, Mahad Cabdi Yuusuf oo 32 jir ah, ayaa Maxkamaddu ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah

Maxakamadda gobolka Hawd, waxa kale oo ay xadhig min shan sannadood ah ku riday Khadar Xasan Ismaaciil, Maxamed Ismaaciil Axmed iyo Faysal Maxamed Cabdilaahi oo dhamaantood maqaneyaal ah, isla markaana aanay hay’addaha nabad-gelyaddu gacanta ku dhigin, kuwaasoo xadhigga lagu xukumay uga bilaabmayo marka la qabto.

Waxa kale oo ay Maxakamaddu xukun ganaax ah ku riday Gaadhiga lagu siday Khamriga oo ay Boolisku gacanta ku hayaan.

Garsooraha Maxkamadda Gobol/Degmo Hawd, Sh. Cabdilaahi Maxamuud Aw Cabdi oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in lagu gubo shixnada Khamriga ah ee lagu qabtay ragga la xukumay Maxkamadda horteeda.

Dhegeysiga dacwada waxa ka qaybgalay badhasaabka gobolka Hawd, saraakiisha Booliska iyo masuuliyiin kale oo ka socday laamaha dawladda, waxaanay gebagabadii fadhiga uga mahad celiyeen Ciidanka amaanka shaqada wanaagsan iyo dedaalka ay kula dagaalamayaan maandooriyaha iyo waxyaabaha kale ee fawaaxishka ah.

Saraakiisha Booliska oo halka ka hadlay waxay sheegeen in ragga la xukumay lagu qabtay shixnad khamri ah oo xajmigeedu dhan yahay laba boqol iyo hal litir  (201 litre), waxaanay intaasi ku dareen in qof kasta oo lagu qabto ka ganacsiga iyo isticmaalka daroogada maskaxda doorisa ee uu khamrigu ka mid yahay ciqaab culus la marin doono.

Badhasaabka gobolka Hawd Axmed-yaasin Maxamed Faarax oo ka hadlay arrintan ayaa Ciidanka amniga ku booriyey inay halkaa ka sii wadaan shaqada wanaagsan ee ay shacbiga kaga badbaadinayaan maandooriyaha loo soo waaridayo, si amniga iyo dhaqanka looga lumiyo.

Badhasaabku wuxuu intaa ku daray “Dadka ka ganacsanaya Khamrigu dhalinyaro ayey u badan yihiin, kuwaa maanta la xukumay ayaa u dambeeyey, haka waantoobaan Ayaan leeyahay dhalinyaradu waxaas mustaqbal la’aanta ah”ayuu yidhi

Gebagebadii Ciidanka Booliska ayaa Maxkamadda horteeda ku burburiyey guud ahaan khamriga lagu qabtay dadka la xukumay, waxaana goob-joog ka ahaa madaxda Maxkamadda iyo maamulka gobolka.

Xigasho: Wargeyska Dawan