Maxaaad ka xasuusataa socdaalkii Nabadda ee Marxuum Abwaan Hadraawi?

Ilaahey ha u naxariisto waxaa shalay (18-kii Agoosto 2022) magaalada Hargeysa ku geeriyooday abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame oo ku magac dheeraa (Hadraawi).

Waxaana marxuumka galabta lagu aasay isla magaalada Hargeysa Xabaalaha Baqiic.

Abwaanka oo ahaa macallin, hal-abuure, feylasuuf iyo waayo-arag ku ad-adkaa Soomaalinnimada, bani’aadannimada iyo dad xil-dhowridda, waxaan ka mid ahaa intii nasiibka u yeelatay kulana jaalka aheyd safarkiisii caanka ahaa ee ‘Socdaalkii Nabadda ee Hadraawi’, kaas oo sanadlii 2003-dii uu ku maray inta badan dhulka Soomaaliya, marka laga reebo meelo kooban.

Socdaalkaas waxaa qabanqaabadiisa laheyd hay’addii Nabadda iyo Xaquuqul Insaanka ee INXA, taas oo abwaanka u fududeysay inuu safar dhulka ah ku maro ku dhowaad 12 gobol oo ka tirsan gobollada dalka, kuwaas oo sababta kaliya ee uu u tagayay ay aheyd inuu kala hadlo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-unkidda qaran Soomaaliyeed oo u adeega bulshada.

Socdaalka Nabadda ee Hadrwaawi oo socday ku dhowaad 30 maalin waxaa uu ka soo billowday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaas oo uu abwaanka u yimid inuu uga qeybgalo shirkii dib-u-soo nooleynta af-Soomaaliga ee uu martigaliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa abwaanka uu codsaday inuu dalka oo dhan ku maro socod nabadeed, kaas oo ay fududeyntiisa ka oggolaatay Hay’addii INXA ee ay hormuudka u ahaayeen Dr. Cabdullaahi Xaaji Dayib, Axmed Maxamed Cali Kiimiko iyo Avv. Cumar Cabdulle Dhegey.

Socdaalka Abwaan Hadraawi oo Muqdisho ka billowday waxaa uu horraantii bishii Agoosto 2003-dii ku guuleystay in gaadiidkii dadweynaha ee ka shaqeyn jiray qadkii cagaarnaa ee kala qeybinayay waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho, uu isu tallaabo oo aan dadka lagu kala wareejin labada daamood ee halkii loo yaqaanay qadki cagaarnaa.

Safarka qeybtiisa ugu muhiimsan waxaa uu abwaanku ka billaabay gobollada koonfureed ee dalka, isaga oo socdaalkiisa ku aaday magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayeen isbaheysigii Dooxada Jubba. Intii Kismaayo loo socday waxaa uu abwaanku magaalada Jannaale kula kulmay madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), isaga oo uga sheekeeyay qorshihii uu u socday, kana codsaday inuu ummadda u soo duceeyo.

Magaalooyinka Kismaayo, Jilib iyo Jamaame ayay abwaanka iyo wafdigiisu, bulshada kula soo qaateen muddo toddobaad ah oo ay kala hadlayeen in la heshiiyo, la isna cafiyo.

Markii Kismaayo laga soo laabtay abwaanka wax badan kuma hakan Muqdisho, waxaana safarka loo sii dhaqaaqay dhankaas iyo Beledweyne, iyada oo labo habeen lagu sii kala hakaday Balcad iyo Jowhar oo abwaanka uu bulshada kula hadlay fagaareyaal la soo diyaariyay.

Baladweyne oo u diyaargarowday wafdiga abwaanka waxaa ay aheyd magaaladii ugu soo dhoweynta ballaarneyd, waxayna dadweynuhu wafdiga uga hor yimaadeen buuraleyda Janta Kuundishe, halkaas oo ay ku sugnaayeen kumannaan qof oo ay hormuud u ahaayeen maamulkii Beledweyne ee xilligaas iyo odayaasha dhaqanka.

Beledweyne oo aheyd magaalo kala xiran, bari iyo qorraxsinna aan isu tallaabin ayuu abwaanka ku adkeystay in uusan ka tageyn illaa la isku furo oo labada buundo uu lugihiisa kaga tallaabo, taas oo 48 saacadood oo wadahadal ah kaddib dhinacyadii magaalada ay aqbaleen, sidiina la isugu furay.

Dhammaan dukaamada iyo biibitooyinka waxaa ka shidnaa maalmihii aan Beledweyne joognay heestii Beerlula ee uu abwaanka u sameeyay gabar reer Beledweyne ah.

Nabadeyntii Beledweyn iyo isku furiddii magaalada waa ay taabbagashay oo ilaa xilligaas Beledweyne sidii ayay isugu furan tahay oo dib dambe uma kala xirmin.

Magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa ka mid ahaa meelaha sida weyn loogu soo dhoweeyay wafdiga ‘Socdaalka Nabadda’, waxayna Gaalkacyo tagiddiisa u aheyd fursad dadka magaalada oo aan isu tallaabi jirin ay mar kale isugu tallaabaan oo ay nabad ugu bidhaanto.

Intii aan socodka ku jirnay abwaanku wuxuu ku guuleystay in uu heshiisiiyo ciidamo kala taabacsanaa Jeneral Jaamac Cali Jaamac iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kuwaas oo isku hayay doorashadii Puntland ee 2003-dii.

Ciidanka Jen. Jaamac Cali Jaamac taabacsanaa oo magaalada Boosaaso duleedkeeda ku sugnaa, misena dhowr dagaal ku soo qaaday magaalada ayaa waxaa hoggaaminayey Jen. Cadde Muuse Boqor, waxaana ugu dambeyntii wafdigii abwaanka uu ku guuleystay in Cadde Muuse Ilaahey ha u naxariistee uu ku soo qanciyo in isaga iyo ciidankiisa ay magaalada ku soo laabtaan, hubkoodana ku wareejiyaan Jen. Abdirisaaq Afguduud oo markaas hoggaaminayay ciidankii taabacsanaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo isaga markaas ahaa madaxweynhihii Puntland, balse doorasho lagaga adkaaday muran ka dhashay uu sababay dagaalka.

Guulaha ka dhashay safarka Nabadda ee Hadraawi kuma koobneyn intaan oo kaliya, waxaana abwaanka safarka ku wehliyay abwaanno oo badan, kuwaas oo aan ka xusuusto abwaan Sahal Macallin Ciise iyo abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo horay u geeriyoodeen, abwaan Maki Xaaji Banaadir, abwaan Mustafa Sheekh Cilmi, abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, abwaan Shube iyo Seynab Xaaji Cali Siigaale (Baxsan), abwaanno iyo marti sharaf kale oo badan oo ay ku jireen saxafiyiin, u ololeeyalaal nabadda iyo xuquuqda aadamaha.

Abwaanku waxaa uu ahaa qof deggen, shakhsiyad aad u wanaagsan leh, aan xanaaq badneyn, si sahlan u dhex gala bulshada, ay u sahlan tahay la hadalka dadka, dulqaad iyo dhegeysi wanaagsan leh, aadna u sheeko badan.

Safarkii nabadda ee Hadraawi wuxuu ku soo ekaaday Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo markii uu wafdiga gaaray ay dowladdii Somaliland u sheegtay in abwaanka iyo 4 qof oo kale un loo oggol yahay inay u tallaabaan dhanka Somaliland, wafdigii intiisa kalena ay ku soo laabteen Muqdisho iyo goobihii kale ee ay socdaalka kaga biireen.

Muddadii socdaalka waxaa abwaan Hadraawi u suurtoobi waysay inuu booqdo magaalada Qansaxdheere oo uu ku xirnaan jiray, sababo amaan awgood, waxaana cudurdaarkaas muujiyay maamulkii RRA-da ee Baydhabo xukumayay oo abwaanka u sheegay in aysan amaankiisa damaanad qaadi karin.