Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Abwaan Hadraawi

Hargeysa-19-08-22-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee Caasimada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maalintii shalay geeriyooday.
Aaska Qaran ee loo sameeyey marxuumka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, wufuud ka kala socota dalka Jabbuuti iyo dawlad-deegaanka Soomaalida, siyaasiyiin, abwaanno, fannaaniin, qoraayo, ganacsato, madax-dhaqameed iyo boqollaal kamid shacab iyo madax isugu jira haldoorka bulshada, kuwaas oo si weyn uga murugaysnaa geerida abwaanka.
Ugu horrayn qaar kamid ah abwaanniiniintii ay isku xirfadda ahaayeen marxuumka, waqtigana soo wada qaateen oo ay kamid yihiin, abwaan Siciid Saalax Axmed, abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-ganey), xubno wasiirro ah oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, horumarinta Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), Macdanta iyo Tamarta, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey Aaska qaran, ayaa si qoto u sharraxay kaalintii uu marxuumku ugu jirey guud ahaanba bulshada Soomaalida, sidii qiimaha iyo farshaxannimada lahayd ee uu u hogo-tusaalayn jirey iyo sidii uu u ahaa muunad astaan u ah wanaagga iyo difaaca xaqa.
Xubno ku hadlayey magaca wufuudda Aaska qaran kasoo qaybgashay ee ka timi dalka Jabbuuti iyo Ismaamulka Soomaalida oo halkaas ka hadlay, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Abwaanka dhammaanba ehelladii iyo ummadda Afka Soomaaliga ku hadashaba, waxana ay marxuumka Eebbe uga baryeen inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.
Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna tacsi u diray ehelka, asxaabta iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay marxuum Hadraawi, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey aan beddelkiisa la helin Karin oo bulshadiisa wax badan kusoo kordhiyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Hadraawi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, asxaabta, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu marxuumku ka baxay, waxana uu ku dheeraaday shaqsiyaddii marxuumka iyo dedaalladii taariikhiga ahaa ee uu geliyey danta guud ee bulshada iyo sidii uu wanaagga tusaalaha ugu ahaa.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu marxuumku ahaa qaamuus aan qof kasta noloshiisa ka maqnaan karin oo loo adeegsado kaalmaha kala duwan ee nolosha, “Hadraawi qof kasta oo Af soomaali ku hadlaba waxan is leeyahay naftiisa ayuu kala hadlay, qof kasta oo qoys kastabana kamid buu ahaa, labada walaalaha ah, waalidka iyo labada is qabaa mid waliba murtida Hadraawi dhinaciisa ayuu ka isticmaalayey,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.