Somaliland: beenisay War laga Faafiyey Aaska Marxuum Hadraawi

Hargeysa-18-08-2022(GNA). Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Aaska Qaranka ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo maanta ku geeryooday Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa shaaciyey goordhayd in la aasi doono marxuumka beri salaada casar, aaskuna uu noqon doono Xabaalaha Baqiiq.

Hadaba Warbaahinta ayaa si khaldan oo been abuur ah u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay Aaska ka soo qayb geli karaan Madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu sheegay oo keli ah haddii cidi ka soo codsato ay markaa ka wajaabayaa, balse aanu jirin warka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta madax banaan.

Waxaanu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, cadaynaynaa in warkaasi yahay been abuur cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn, ciddii faafisay been abuurkaa waa lagula xisaabtama.

Waxaanu uga digaynaa Saxaafadda Madaxa Banaan in aanay siyaasadayn Aaska Qaranka ee loo samaynayo Abwaankii waynaa Ibraahim Maxamed Warsame (Hadraawi).

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.