Isbahaysiga Ururrada Siyaasadda oo Beyaan soo saaray

Isbahaysiga ay ku midoobeen Urrurada Siyaasadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saareen waxay ku bogaadiyeen Shaqada balaadhan ee ay hayaan Guddida Diiwaangelinta Urrurada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyadda Qaranka oo maanta siiyey 15-ka Urrur Siyaasadeed ee ka gudbay wareegii kowaad ee hawsha diiwaangelinta Shahaadadii ay ku hawl galayaan.

Warsaxaafadeed ay si wada jir ah ugu saxeexan yihiin Afhayeenka Isbahaysiga Urrurada Siyaasada Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye iyo Xoghayaha Isbahaysigaas Eng Xamse Xasan Oday ayaa lagu sheegay in iyagoo la socda jewiga Siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland ay Isbahaysigoodu bogaadinayaan shaqada wax ku oolka ah ee ay qabteen guddida diiwaangelinta Urrurada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka.

Warsaxaafadeedkani waxaa lagu sheegay in guddida diiwaangelintu ay ku shaqeeyeen Xeer Nom 14 oo ah Xeerka nidaamka urrurada siyaasada iyo Xisbiyada qaranka iyagoo hoosta ka xariiqay dooda ka dhex taagan Saddexda Xisbi qaran ee haatan jira oo qaarkood ku doodaya in marka hore la qabto doorashadda Madaxtooyadda oo ku astaysan 13-ka bisha November, hasa yeeshee Isbahaysiga Urrurada siyaasadu waxay aaminsan yihiin in Sharcigu dhigayo Lix bilood ka hor xiliga ay Shahaadadu ka dhacayso Xisbiyada qaranka in la furo Isdiiwaangelinta Urruradda siyaasadda taas darteedna ay aaminsan yihiin in Doorashadda Madaxtooyadda ay gelayaan Saddexda xisbi ee ku soo baxa doorashadda tooska ah.

Gabo gabadii Warsaxaafadeedkan waxay ku sheegeen Isbahaysiga Urrurada Siyaasadu in sida ugu fudud ee is maandhaafkan lagu xalin karaya ay tahay in la qabto doorashadda Tooska ah ee Urrur siyaasadeedyadu ay ka qayb qaadanayaan taasoo u gogol xaadhaysa inay yimaadaan Saddexda Xisbi qaran ee distoorku jideeyay, iyagoo intaas ku daray inay si dhow ula shaqayn doonaan guddida diiwaangelinta isla markaana ay rajaynayaan in la dhamaystiro geedi socodka dimuquraadiyadaa ee Somaliland.