Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Geeriyooday isagoo 83 jir ah

INALAALILAAHI WA INA ILLEYHI RAAJUCUUN, Alle ha u naxaristo’e Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Abwaanka ayaa ahaa Suugaanyahan martabad sare ka gaadhay suugaanta casriga ah iyo dhaqanka, waxaanu Suntay oo laga dhaxlayaa Kayd balaadhan oo Dhaqan.

Madaxweynaha JSL iyo masuuliyiinta kala duwan ee qaranka, hogaamiyeyaasha dalalka lagaga hadlo afka Soomaaliga iyo boqolaal kun oo qof oo kale ayaa tacsiyadeeyey Marxuumka, waxaanay alle uga baryeen inuu jannada ka waraabiyo.

Shakhsiyadda marxuumka ayaa ah mid raadeyntiisii adduunka ku dhantahay.