Somaliland: Hogaamiyeyaasha mucaaridka iyo boqolaal qof oo kale oo ka qaybgalay aaska 3 qof oo ku dhintay dibad-baxyadii mucaaridka

Masuuliyiin xilal ka haya dawladda iyo hogaamiyeyaasha asxaabta mucaaridka ayaa ka qaybgalay aas loogu sameeyey saddex qof oo ku dhintay dibad-baxyadii dhacay khamiistii la soo dhaafay, magaalada Hargeysa.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Md. Siciid Sulub Maxamed oo ka qaybgalay aaska, ayaa dad shacab ah oo gadoodsani ku qamaameen, xilli aaska lagu gudo jiray.

Dadka dhintay oo dhamaantood rayid ahaan, ayaa waxa ay todobaad ku jireen talaagada Maydka, waxaana aaskooda lagu go’aamiyey xal ay dawladda iyo guddi dhexdhexaadimeed wada gaadheen.

Goobta lagu aasay dadkaas waxa ka hadlay guddoomiyeyaasha asxaabta Mucaaridka ee WADDANI iyo UCID iyo xubno kale oo ay kamid yihiin Xildhibaanno.

Halkan ka Daawo Muuqaal: