Saddex go’aan mid un bay Maxkamadda Sare ka qaadan kartaa natiijada doorashada Kenya

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, oo looga guulaystay doorashadii madaxtnimada ee dhacday dhawaan, ayaa sheegay in natiijada ay tahay “mid waxba kama jiraan ah”, taasoo ka dhigan in uu maxkamad la tiigsan doono. Balse maxaa laga filan karaa maxkamadda sare?

Waqti dheer ma haystaan isbahaysiga Azimio ee uu kasoo jeedo Odinga. Shan maalmood oo keliya ayaa u hartay si ay cabashooda ugu gudbiyaan maxkamadda ugu sarraysa Kenya ee dastuuriga ah, si dib u eegis loogu sameeyo hannaankii doorashada.

Toddobo maalmood ayuu heystaa murashaxa dood ka qaba natiijada si uu amxkamadda ugu dacwoodo, Odinga ayaana hadda haysta shan maalmood.

Odinga ayaa hadda eegaya waddooyinka sharci ee u furan si uu meesha uga saaro natiijada uu isniintii ku dhawaaqay guddoomiyaha Guddiga doorashada iyo xuduudaha Kenya ee IEBC.

Afar ka tirsan xubnaha guddiga IEBC – oo guud ahaan ka kooban toddobo – ayaa sheegay in aysan taageersanayn natiijada.

William Ruto oo ah murashaxa ay Odinga sida wayn ugu loollameen doorashada ayaa hadda ah madaxweynaha dooran, haddii shanta maalmood ee harsan wax dacwad ah la gudbin waayana waxaa qasab noqonaysa in xilka loo dhaariyo si uu dowladdiisa usoo dhiso.

Natiijada waxa kaliya ee wax ka baddali kara waa maxkamadda ugu sarraysa oo ay fadhiyaan toddobo garsoore.

Haddii maalmaha soo socda uu Raila Odinga u dhaqaaqo dhinaca maxkamadda sare, waxaa sii dheeraan doonta muddada ay hubanti la’aanta ku sii jirayaan shacabka Kenya.

Garsoorka maxkamaddu 14 maalmood ayay u baahnaan doonaan si ay go’aan usoo saaraan.

Saddexda go’aan ee la filan karo

Dastuurka Kenya oo la meel mariyay 2010-kii ayaa dhigaya in la abuuro maxkamad Sare oo ay fariistaan toddobo garsoore, kuwaasoo waajibaadkoodu ay yihiin in ay xalliyaan muranka ka dhasha doorashada madaxtinimada.

Marka ay kooxda sharciga ee Odinga gudbiyaan dacwada, sida la filayo, waxay maxkamaddu guda geli doontaa dhagsiga dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh kiiska.

Muddo 14 maalmood ah inta aysan dhammaan ka hor waxaa garsoorka laga rabaa in ay go’aan kama dambays ah soo saaraan.

Waxay arrintu noqon kartaa:

  • In maxkamaddu ay caddeymo u hesho wax isdabamarin lagu sameeyay doorashada islamarkaana amar ku bixiso in la aado doorasho kale

Haddii ay sidaas noqoto waxaa sharci noqonaysa in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorashada. Balse shacabka ayaa u codayn doona murashaxiinta xilka madaxweynaha oo keliya.

  1. In maxkamaddu ay cambaarayso guddiga doorashada balse ay caddeymo ku filan u wayso in codeynta lagu celiyo.

Taas waxay ka dhigan tahay in natiijada ay sideeda ahaan doonto madaxweynaha ay guddiga doorashada ku dhawaaqeenna xilka loo dhaarin doono.

  1. In maxkamaddu ay si buuxda u taageerto natiijadii lagu dhawaaqay, amarna ku bixiso in madaxweynaha cusub uu yahay William Ruto.

Go’aankaasina waxa uu meesha ka saari doonaa sheegashada Raila Odinga ee ahayd in doorashada lagu shubtay.

Hase yeeshee, saddexdaas go’aan ka hor waxa ay garsoorku u baahnaan doonaan in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada, sida in codadka dib loo tiriyo.

Saddex ka mid ah garsooreyashii maxkamadda sare ee waxba kama jiraanka ku tilmaamay doorashadii hore ee dhacday 2017-kii ayaa wali jooga maxkamadda, halka Madaixii Caddaaladda uu howl-gab noqday sanadkii lasoo dhaafay.

Booskiisa waxaa ku jirta oo Maxkamadda Sare hoggaan u ah Martha Koome, oo ah haweeneydii ugu horraysay ee xilkaas Kenya ka qabatay abid.

Mucaaradka ayaa u muuqda in ay si wayn u careysan yihiin, ayna ka war sugayaan go’aanka maxkamadda oo keliya.

Maxamed Cadoow, oo ka mid ah xildhibaannada cusub ee isbahaysiga Azimio, ayaa sheegay in murashaxooda iyo isbahsiguba uusan aqbalin natiijada.

“Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in Guddigu uusan sidii la rabay wax u maarayn. Marka maamul xumadaas buuna ku salaynayaa inta badan waxa uu ka cabanayo ee uu maxkamadda u aadayo,” ayuu yiri Maxamed Caddoow.

Waxa uu intaas ku daray in qareennada isbahaysigooda lagu amray inay sida ugu dhaqsiyaha badan tallaabo u qaadaan.

Ma aha markii ugu horraysay ee uu siyaasigan 77 jirka ah dacwad ka gudbiyo natiijada doorasho madaxtinimo oo looga adkaaday.

Sanadkii 2013-kii ayuu maxkamadda sare la tiigsaday go’aanka guddiga doorashada. Sidoo kale tallaabadaasoo kale ayuu qaaday 2017-kii, markaas oo ay maxkamadda amar ku bixisay in lagu celiyo doorashada.

Muranka noocan oo kale ah ayaa abuura cabsi laga qabo in ay dhacaan rabshado la xiriira doorashada oo horseedi kara dhimasho iyo burbur hantiyeed.

Qalalaadse daba socda khilaafka doorashada oo Kenya a dhacay dabayaaqadii 2007-dii ayaa sababay in la dilo 1,200 oo qof.