Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay mudaharaadka mucaaridka

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha, ayaa qaabilay Masuuliyiin ka socday Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCUD iyo WADANI, kaasoo Wasiirka soo gaadhsiiyey Qoraal ay Mudaharaad ku dalbanayaan Xisbiyada Mucaaradka ahi.
Labada Xisbi Mucaaradka ayaa maanta u soo gudbiyey Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, qoraal ay ku dalbanayaan Mudaharaad, Wasiirka Arimaha gudaha ayaa ka gudoomey Warqada ka timi Xisbiyada Mucaaradka ah, isaga oo Wasiirku Xafiiskiisa ku soo dhoweeyey masuuliyiinta qoraalka sidey.
Wasiirka ayaa u sheegay masuuliyiinta ka socdey labada xisbi in ay fariin ku celinayaan Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad, taasoo ah kulan uu Wasiirku kala yeelan doono dalabkooda ah Mudaharaad,taasoo xeerku dhigayo in laga wada hadlo Arrimaha Mudaharaad.
Isaga oo Wasiirku u sheegay masuuliyiinta ka socdey Xisbiyada Mucaaradka ah, in uu diyaar u yahay meelkasta oo ay jecel yihiin in kulanku ka dhoco uu diyaar u yahay Wasiirku, hadii ay Gudoomiyayaasha Xisbiyadu ay ka cudur daartaan ay yimaadaan Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
Masuuliyiinta ka socdey labada Xisbi Mucaarad ayaa iyana dhinacooda balan qaaday in ay fariintaa u geynayaan gudoomiyayaashooda.
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.