“Xafiiska Qandaraasyada Qaranku Waa Hay’ad Dhexdhexaad ah oo Qaranku ku Faani karo”Agaasime Cabdiraxmaan Xaaji

Agaasimaha guud ee gudida qandaraasyada Qaranka Somiland mudane Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil Ibraahin, ayaa ka hadlay kaalinta dhex dhexaadnimo ee gudida qandaraasyada qaranku ay ugu garsooraan shirkadaha iyo ganacsata iyo muwaadiniinta kala duwan ee u tartama, isla markaana ka qayb gala qandaraasyada kala duwan ee la naadiyo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay ugu siman yihiin dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada gobolada Somaliland oo dhan in ay ka qayb gali karaan isla markaana aanay u xidhnayn shirkadaha iyo ganacsatada caasimadda Hargeysa oo keliya.

Waxaanu iftiimiyay in gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland in ay yihiin hay’ad la majeertay oo hormuud ka noqotay horumarka Somaliland intii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi xilka Haysay.

Waxaanu sidaa ku sheegay Agaasime Cabdiraxmaan waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn agaasimaha guud ee gudida qandaraasyada Qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil oo ka hadlayay hakinta mashaariicda horumatinta lagu joojiyay, ayaa yidhi. “Horta joojinta mashaariicda horumarineed wixii aan deg deg ahayn waxaa lagu joojiyay go’aan qaran oo Madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi shir guddoomiyay waxaana sababay xaaladda abaarta iyo sicir bararka ee dalka ka jira si umadda loo samato bixiyo wixii aan xaalad deg deg ah ahayn sida caafimaadka iyo biyaha illas bisha sagaalaad waa la hakiyay bisha 9 aad ayaa mar kalr la isaga imanaya oo wax la iska waydii doona insha Allah waxaanan ALLE ka baryaynaa in uu abaarta iyo sicir bararka innaga soo jabiyo.”

Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida shirkagada iyo ganacsatada dalku ugu siman yihiin ka qayb galka tartanada ay naadiyaan, ayuu yidhi. “Marka horeba tartanada aanu qabanaa wax qarsoon maaha waa tartano si cad aanu usoo bandhigno u naadino oo daah furan isla markaana ay ka wada qayb galaan cid kasta oo danaynsysa min salaylac illaa Laasqoray,wax cid gaar ah ama gobol gaaar ah u xidhan na maana anaguna ka hay’ad ahaan waxaanu nahay garsoor dhexu ah umadda isla markaana is dhexdhexaad ah ugu garsoora waxaana sharaf noo ah in illaa imika cid naga soo cabatay oo ku qanci wayday garsoorka tartan aanu naadinay wali namay soo marin.markas taas ayaaba kuu caddaynaysa in qandaraasyada aanu garsoorka ka nahay in ay yihiin kuwo lagu wada qancay oo aanay wax cabasho ahi karin,waxaanan odhan karaa gudida qandaraasyada qaranku waa hay’ad dhexdhexaad ah”