Somaliland oo kamid noqonaysa goob-joogeyaasha caalamiga ah ee Doorashada kenya

Xubno ka tirsan guddida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay safar shaqo ugu baxay dalka Kenya, iyaga oo qayb ka noqon doona goob-joogayaasha caalamiga ah ee indha indhayna doorashada dalkaasi ka qabsoomaysa 9-ka bishan.

Sidoo kale waxa ay rabbaan in ay khibrad iyo aqoon dheerada ka helaan doorashada dalkaasi ka dhacaysa. Koomishaner Xuseen Badhaani, oo qoraalkan ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook waxa uu u dhigna sidan. “Maanta waxaanu safar shaqo ugu baxaynaa dalka Kenya, halkaas oo aanu kaga qaybgalayno Doorashada ,guud ee Kenya 2022, annaga oo ka mid ah goobjoogayaasha Caalamiga ah ee indho-indhaynaya habsami-u-socodka lixda doorashada ee isku-sidkan ee dalkaasi Kenya ka dhici doona 9ka August 2022.

Waa fursad weyn oo aanu ugu faa’iidaysan doono innaanu ka helno aqoon, waayo-aragnimo dhanka doorashooyinka, isla markaana aanu kula kulmi doono weftiyo kala duwan iyo Goobjoogayaal Caalami ah, oo ka kala socda Midowga Yurub, Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Afrika, IGAD iyo kuwa ka socda Hay’addo Madaxbanaan oo Caalami ah.

Ugu dambayn sida uu waajibinayo Habraacyada Goobjoogayaasha Caalamiga ee Kenya, waxaanu soo saari doonaa qoraal Warbixin hordhac ah, kaas oo aanu la wadaagi doona Komiishanka Madaxabanaan ee Doorashooyinka Kenya.”