Somaliland: Xukuumadda iyo hay’adda amniga oo war ka soo saaray nabad-gelyada dalka

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir gudoomiyey kulan ku saabsan xoojinta Amniga, Isu xogwaraysi, wada shaqaynta laamaha kala duwan ee Amniga,maamulka Degmooyinka Caasimada iyo Badhasaabka Gobolka,kaasoo ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
Shirkan muhiinka ah waxaa ka soo qayb galay oo Wasiirka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed iyo Saraakiisha Ciidan Booliska Somaliland, oo uu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Kuxigeenkiisa.
Sidoo kale shirkan muhiimka ah waxaa ka soo qayb galay Maayorka Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge Mooge, Guddidiisa fulinta iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Caasimada Hargeysa.
Dhinaca kale kulankan waxaa ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Faysal Guhaad Cabdi, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Maroodi Khadar Baaruud iyo saraakiil sar sare.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd adkaynta nabadgelyada, taasoo ah mid ay markasta u xilsaaran yihiin laamaha ammaanka ee kala duwan, iyaga oo hadh iyo habeen u taagan ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo guud ahaan Qarankaba.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faray Hay’adda amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, taasoo ah mid aan ciyaar ku iman ee ku timid dedaal iyo naf hur.
Ugu danbayntii, cidkasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya Mudaharaad sharci darro ah tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa,wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay.
Shacabkana waxaa loogu baaqayaa in ay la shaqeeyaa Ciidamada nabadgelyada, kana fogaadaan cidkasta oo wada dhibaato lagu waxyeelanayo nabadgelyada iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.