Urur siyaasaddeedka REJO oo shubay lacagta cashuurta

masuuliyiinta aasaaseyaasha urur-siyaasaddeedka REJO oo kamida ururrada cusub ee lagu dhawaaqay ayaa shubay lacagta cashuurta ururnimada, taasoo dhan 155000,000 Shillinka (boqol iyo shan iyo konton Milyan shillin).

Lacagta ayaan ah mid uu jideeyey Xeerka furista ururrada-siyaasadda ee Xeerlr14/2011, waajibna ku ah in urur kasta oo ka qaybgalaya doorashada tooska ah ee ururradu uu shubo, iyadoo ku imanaysa sifo muujinaysa wada-lahaanshiyaha aasaaseyaasha ururka.

In ka badan 20 Urur-siyaasaddeed oo cusub, ayaa la shaaciyey aasaaskooda tan iyo markii la gaadhay wakhtigii sharcigu fasaxayey in la furto ururrada oo ku beegnayd horaantii sanadkan bishii Aprill oo lagu dhawaaqay ururkii u horeeyey.

Hogaanka aasaaseyaasha ururka REJO oo warfidiyeenka kula hadlay afaafka hore ee xafiiska cashuuraha beriga ayaa sheegay inay u tahay maalin farxaddeed oo ay ka gudbeen mid kamida jaranjarooyinka ay marayaan ururradu inta aanay gelin doorashada.

Halkan ka Daawo Muuqaal: