Magacyada hogaanka Ururka WAABERI ee la doortay

Hargeysa(GNA)-Urur-siyaasaddeedka Waaberi ayaa doortay hogaan cusub oo ku meel-gaadh ah, kaddib shir maalin socday oo ay ku yeesheen 150 xubnood oo kamida aasaaseyaasha ururkaasi maalintii maanta oo Salaasa ah magaalada Hargeysa.

Shan xubnood oo ka kooban guddoomiye ilaa ku-xigeen Xoghaye guud ayaa lagu doortay shirkaasi, iyadoo uu noqonayo ururkii ugu horeeyey ee hab shaacsan madal noocan ah ugu doorta hogaankiisa marxalada ururnimada, taasoo kamida shuruudaha xeerku ku waajibiyey ururrada cusub.

Hogaanka ururka waxa kamida hal qof oo Haween ah oo loo doortay xoghayaha guud, iyadoo noqonaysa haweenaydii koowaad ee jagaddaas ka qabata urur-siyaasaddeed ama xisbi.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee ururkan ayaa waxa loo doortay Cabdirisaq Ibraahim Maxamed Ataash, Mustafe Maxmed Qodax iyo Cumar Shucayb Maxamed ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenno.

Sidoo kale Xoghayaha guud  ee ururka Waaberi waxa loo doortay Salma Sh  Cabdiraxman, halka xoghaye ku-xigeen loogu doortay Mustafe Maxamed Caqli.

Kulanka Aasaasayaasha ururkka WAABERI, ayaa waxa khudbado ka jeediyey Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah Cabdirisaaq Ataash iyo xubno kale oo xubnaha hogaanka ku weheliaya kamida, kuwaasoo ku dheeraday qorshaha iyo himilooyinka Ururka.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sheegay in ururka Waaberi u taagan yahay midnimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, kana dhashay arragti ku qotonta hadaf iyo ujeeddo ka turjumaysa waaqica siyaasaddeed ee dalka.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu ugu baaqay daneeyayaasha dimuquraadiyada iyo tartanka Doorashada, gaar ahaan asxaabta mucaaridka ah iyo xukuumaddu inay isugu soo laabtaan miiska wada hadalka oo ay xal ka gaadhaan khilaafka arrimaha Doorashooyinka.

Mr. Araash ayaa si gaar ah asxaabta mucaaridka ugu diray farriin ah in aanay nabad-gelyada iyo midnimada qaranka ugu saameynin danno kursi jacayl iyo inay xukunka fuullaan, isagoo ka dareen qaadanaya dhaqdhaqaaqyada ay hogaamiyeyaasha WADDANI iyo UCID ku goodinayeen inay abaabulayaan mudadaharaadyo.