Somaliland iyo shirka Barwaaqo sooranka ee UK

Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay shir lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, kaasoo ay yeesheen wadamada barwaaqo sooranka laysku yidhaahdo.

Wasiirka arrimaha dibada Dr. Ciise Kayd Maxamuud iyo xubno kale ayaa ka qaybgalay ikulankaasi.

Xildhibaan Xasan Saleban Dhuxul oo kamida golaha Wakiillada, ayaa qayb ka ahaa weftiga shirka lagu casuumay.

Xildhibaan Laab-saalax ayaa war qoraal ah oo uu warbaahinta la wadaagay ku yidhi “Aniga oo ka mid ah xubno metalaya Somaliland, Sharaf ayay ii  ahayd inaan ka qayb galo  shir caalamiya oo kulmiyay Soddon dawladood oo ka mida wadamada ku bahoobay ururka barwaaqa Sooranka( Common wealth countreis) oo  ka dhacay  Magaalada Birmingham ee  dalka UK.

Waxa kasoo qayb galay oo shirka si wada jir ah naloogu soo wada casuumay  Wasiirkeena arrimaha Dibada Dr Ciise Kayd iyo Adna Aadan.

Shirkaas waxa aanu ku bandhignay sida ay u tahay xaq aan la duudsiyi karin, la dafiri karin, oo cidna aanay dedi karin in Somaliland iyo shacbkeeda lagu ixtiraamo rabitaankooda iyo go’aankooda ah dawlad madaxbannaan”