Wasiirka Beeraha oo ka Qayb-galay kulan lagaga Tashanayey Horumarinta Deegaanka JSL

Hargeysa -(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ka qayb-galay kulan muhiim ah horumarinta degaanka.
Kulankan oo sidoo kale ka qayb-galay Daneeyayaasha Deegaanka ee Somaliland, ayaa waxa lagaga tashanayey Qabyo-qoraalka qorshaha saddexda sano ee soo socota ee Wasaaradda horumarinta reer miyiga Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo kulankaa hadal ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyay shirka lagaga tashanayey Horumarinta Deegaanka iyo Qorshaha saddexda sano ee soo socda ee Wasaaradda horumarinta Reer Miyiga.
Wasiir Cabdiqaadir wuxuu sheegay sida ay Qaran ahaan muhiim u tahay in horumarinta deegaanku, maaddaama oo Isbeddelka Cimiladu uu saameeyay Somaliland isla-markaana loo baahan yahay in lagu dedaalo horumarinta deegaanka, si loo samato-bixiyo dadkeena reer Guuraaga ah iyo Xoolaha Nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Qaran ahaan loo baahan yahay in laga faa’idaysto biyaha Roobka, inkasta oo sanadihii u dambeeyay aanay Somaliland helin Roob wanaagsan.
Waxa kale oo uu ka warramay caqabadaha ka taagan dhinaca Beeraha, taasi oo Wasaaradda Beeruhu ku hawlan tahay sidii Cilmi-baadhis looga samayn lahaa, si uu Qaranku horumar uga sameeyo ka faa’idaysiga Wax-soo-saarka.