Xisbiga KULMIYE oo caddeeyey mawqifkiisa wada-hadalladii Khilaafka doorashooyinka

Hargeysa:19/07/2022(GNA)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare oo xisbiga katirsan, ayaa caddeeyey mawqifka ay xisbi ahaan ka taagan yihiin wada-hadallada khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.

Wasiir Maxamed Kaahin oo saxaafadda kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa bulshada usoo bandhigay jaranjarooyinkii uu soo maray wada-hadalku, dedaalkii madaxweynaha qaranku geliyey sidii ay u midho dhali lahaa iyo sidii ay axsaabta mucaaridka u fashilinayeen iyo sida ay xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba diyaarka ugu yihiin in la dhammeeyo khilaafka taagan.

Wasiirku waxa uu sheegay in axsaabta mucaaridku ay mar kastaba middi-roortaynayeen habsami-u-socodka wada-hadallada, islamarmaana ay badka keenayeen qorsheyaal iska hor imanaya, isaga oo si gaar ah u xusay in xisbiga WADDANI iyada oo lagu gudo jiro ballamihii wada-hadalka uu codsaday kulan ay gaar ula qaataan madaxweynaha qaranka.

Muddadii wada-hadalladu socdeen iyo sidii ay xisbiga KLUMIYE iyo xukuumaddiisu ugu adkaayeen in sharciyada waddanka la ilaayo, ayuu wasiirku ku dheeraaday, waxana uu si cad u sheegay inaanay jirin cid is hor taagi karta in xisbiyada jira iyo urrada cusubi galaan doorashooyinka ay kusoo baxayaan saddexda xisbi ee sharciga ahi, “Waxannu soo jeedinnay qodobbada sharci ee khuseeya hannaanka doorashada xisbiyada iyo urrada ee dalka kasoo dhacay, sharciyaddii lagu soo maamulay iyo ta maanta lagu maamulayo. Sannadkii 2012-kii markii uu nala tartamay WADDANI oo markaa urur ahaa, annaguna aannu xisbiyo qaran ahayn dooddayadu may ahayn urur baad tahay iska tag, maanta ninna laga yeelli maayo in ururrada la yidhaahdo tartanka geli maayaan,” ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirka arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu deedafeeyey doodda mucaaridka ee ay ku diiddan yihiin qaraarkii ay dhawaan doorashooyinka kasoo saartay maxkamadda sare ee dalku, waxana uu xasuusiyey waqtiyo hore oo go’aan maxkamadeed doorasho lagu galay, waxana uu yidhi,“Xilliyadii ay ina soo gaadhay in kiiska doorashada loo gudbiyo maxkamadda distooriga ah, 26/02/2005-tii dooddii ka dhex dhacday madaxweyne Rayaale iyo golihii wakiillada oo diiday in doorashada wakiillada la qabto waxa uu u gudbiyey maxkamadda sare, qaraarkii ay maxkamaddu soo saartay baana lagu qabtay doorashadii golaha wakiillada ee 2005-tii, waanana ka xumahay in labadii xisbi maanta yidhaahdaan go’aankii maxkamadda lama qaadan karo.”

Wasiirku waxa uu ka hadlay hadalka nusqaanta leh ee ay madaxda axsaabta mucaaridka ahi ka sheegeen guddoomiyeyaasha Guurtida iyo wakiillada, waxana uu sheegay inay labadaas guddoomiye yihiin odayaal milge leh oo dedaal badan sameeyey,“Labada guddoomiye waa laba nin oo hoggaamiya golaha sharci-dejintu waa laba nin oo muddo dheer marna dhexdhexaadin ku jirey, marna na hor fadhiyey, ayey saaka leeyihiin waa laba nin oo madaxweynuhu yeedhay, annaguse laba nin oo loo yeedhay uma naqaanno, dan gaar ah oo ay noo fulinayaanna ma jirto,” ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa uu axsaabta mucaaridka ah uga digay inay sharciyadda iyo qaanuunka dalka ka tallaabsadaan, isaga oo ku eedeeyey inay maalmihii mudahaaradka ku dhaqaaqeen tallaabo halis badan oo ay ku samaysanayaan ciidamo aan sharci ahayn, waxana uu yidhi, “Waxannu ka xunnahay in xisbiyada mucaaridku ay immika noqdeen qaar ka baxay dhammaanba awoodaha sharciyeed ee dalku leeyahay, maalintii dhaweyd ee mudahaaradka hawshiisa laga hadlayeyna waxyaabaha aannu soo jeedinnay waxa kamid ahaa in iyaga oo xisbiyadii qaranka ah ay samaysteen ciidan-beeleed, maantana waan leeyahay.”

Ugu dambayntii, wasiir Maxamed Kaahin waxa uu caddeeyey inay xisbi ahaan diyaar u yihiin in wada-hadalladu socdaan, lagana heshiiyo khilaafka jira iyada oo la raacayo sharciyadda dalka.