Somaliya: Webi Biyihiisu Qudhmayaan iyo shakiga laga qabo inay sumoobeen

Waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo isbadal la sheegay iney ku yimaadeen midabka biyaha wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne oo noqday kuwa madoobaad ah, islamarkaana qurmaya.

Maamulka degmada Baledweyne oo warbaahinta kula hadlay wabiga Shabeelle qarkisa ayaa uga digay shacabka reer Baledweyne iney isticmaalaan biyaha wabiga Shabeelle oo ay sheegeen iney yihin biyaha uu haatan wato kuwa sumeysan.

Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow ayaa digniin u diray maamulayaasha Ceelasha biyaha siiya magaalada Baledweyne iyo shacabka isticmaala biyaha wabiga, wuxuuna faray maamulayaasha Ceelasha biyaha iney tubooyinka kala baxaan wabiga oo haatan wata biyaha sumeysan shacabkana aysan cabin biyaha.

“Waligey manan arkin wabiga oo biyo wada biyo noocaan oo kale ah, wan arki jiray isagoo wada biyo calaw ah, isagoo eber ah iyo isagoo buuxa oo biyo baxa ah, balse wali manan arkin biyo noocaan oo kale ah oo madow ah hadana uraya, urtooda ayaan hada ag taagnaan la’ahay, waana biyo sumeysan dowladda Itobiya ayaa horay ugu sheegtay dadkeeda marka inta ay ka gudbayaan yaanan la isticmaalin waa digniin, waana ognahay in dadka Baledweyne boqolkiiba 89 isticmalaan biyaha wabiga” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Dhicisoow Dhuuboow.

Dadka ku dhaqan gudaha Baledweyne iyo nawaaxigiisa ayaa inta badan isticmaala biyaha wabiga Shabeelle oo dhexmara Baledweyne, waxaana arintaan ay noqon doonta mid keeni karta caqabad weyn oo la xariirta helitaanka biyo nadiif ah, maadama biyahii wabiga ay noqdeen kuwa madoobaad ah oo hadana qudhmay.