Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka SPP iyo wefti uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Ceegaag iyo deegaamo hoos-yimaada

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedk SPP Saleban Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo wefti uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaamo kamida gobolka Buuhoodle, halkaasoo shacbigu dareen taageero iyo yihdidiilo leh ay ku qaabileen weftiga oo maalmihii la soo dhaafay kulamo wada-tashi ah ka waday gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Degmada Ceegaag iyo deegaamada hoos-yimaada, ayaa weftigu kulamo balaadhan kula qaateen hormuudka iyo qaybaha Bulshada, waxaanay uga warameen ujeedada socdaalkooda iyo xaalada siyaasaddeed ee Waddanka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka soo fool leh,taasoo ay cuqaasha iyo waxgaradkuna si aad ah ugu riyaaqeen.
Ambasadoor Siciid  Maxamed Daahir Afqarshe oo kamida aasaaseyaasha Ururka shacabka iyo xubnaha weftiga ku weheliya Dr.Xaglo-toosiye oo ka hadlay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Magaalada Ceegaag, ayaa sheegay inay u socdeen oo ay gobolada Sool iyo Buuhoodle u yimadeen sidii ay wada-tashi ula yeellan lahaayeen shacbiga halkaas ku dhaqan, si mug iyo miisaan lehna loogu soo dhaweeyey, waxaanu guud ahaan mujtamaca deegaamada ay mareen uga mahadceliyey sida milgaha iyo maamuska leh ee ay u qaabileen iyo kalsoonida iyo taageerada ay u muujiyeen ururka iyo hogaanka Aasaaseyaashiisa.
Ambasadoor Siciid waxa uu kula dardaarmay bulsho-weynta reer Ceegaag iyo nawaaxigooda inay isu diyaariyaan hawlaha doorashooyinka, ugu horayna ay qaataan  Kaadhka codbixinta Doorashada oo furre u ah inay doorashooyinka ka qayb-qaataan, codkoodana siiyaan ururka SPP.
Cuqaal, Odayaal iyo xubno ku hadlayey afka Haweenka degmadaas, ayaa  balanqaaday inay cod iyo cududba isugu geyn doonaan sidii uu ururkaasi ugu gudbi lahaa kaalinta xisbi Qaran, isla markaana ay gaadhsiin doonaan inuu talada waddanka qabto, waxaanay intaa ku dareen inay isu-diyaarinayaan diwaangelinta Doorashada ka horaysa.

Guddoomiyaha Ururka Shacabka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ka hadlay kulanka wada-tashiga, ayaa ku dheeraaday muhiimadda degmada Ceegaag u leedahay gobolka, waxyaabaha laga rabo shacbiga ku dhaqan iyo fursadaha waxqabad ee ay ka faa’idayaan ka qaybgalka Doorashooyinka.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aasaaska Ururka SPP ka dhashay daraasad iyo qiimeyn ku saabsan sidii ay bulshada u yeellan lahayd qaran loo dhan yahay, degmada Ceegaagna wuxuu ku booriyey inay sii horumariyaan bisaylka siyaasaddeed ee ay hore u muujiyeen.

https://fb.watch/emv5YEkWzz/
Geesta kale, guddoomiyaha iyo weftigiisu waxa ay socdaal indho-indhayn ah ku mareen deegaamada Horufadhi, Sool-joogto, Maygaagle iyo tuulooyin kale oo hoos-yimaada Degmada Ceegaag, jiidaasoo ay u kuur-galeen xaaalad abaarreed oo ka jirta, Alle waxay uga baryeen inuu abaarta ka dulqaado roob deg deg ahna u shubo.