BBC-Soomaali oo laga joojiyey inay Somaliland gudaheeda ka shaqayso

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa laga joojiyey inay ka shaqayso gudaha Somaliland, kaddib markii ay ku kacday waxyaabo ku lidi ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Saleeban Yuusuf Cali Koore oo maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa.

Xukuumaddu waxa ay ku eeddeysay BBC-du inay meel kaga dhacday madaxbanaanida, meeqaamka iyo qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay sheegtay in aanay haba yaraatee ka shaqayn Karin dalka ilaa inta ay ka waantoobayso xad-gudubyada ay sida joogtada ah ugu hayso dawladnimada iyo shuruucda dalka.

Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore) oo hadlayey shan daqiiqo iyo dheeraad, wuxuu tilmaamay in go’aanka dawladdu ku hakisay shaqada BBC-du yimi kaddib markii ay qiimeeyeen dhibaatooyinka ay dalka ku hayso iyo dareenka diidmada ah ee shacbigu ka qabo hab-dhaqankeeda,waxaanu intaasi raaciyey inay caadaystay xad-gudubyadaasi.

Wasiirku waxa uu sheegay in Idaacadani ay sanadihii u dambeeyey u sii xuub-siibanaysay warbaahin loogu adeeggo cid gaar ah, isla markaana ka tagsan dhexdhexaadnimada iyo ilaalinta xuquuqda dhegeysteyaasheeda afka Soomaaliga ku hadla, taasoo ay kamid yihiin shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

inkasta oo aanu wasiir Koore carabka ku balaadhin khaladdaadka ay Idaacadani ka gelaysay Dalka, waxyaabaha gefka ah ee ay Somaliland ku haysay sanadihii dambeeyey waxa kamida inay caadaystay inay magaca Somaliland marka ay sheegayso ku tilmaanto Jamhuuriyad iskeed madaxbanaanideeda ugu dhawaaqday, taasoo ay ku xaqirayso ama ku yasayso dawladnimada Dalkan.
Sidoo kale, waxa ay BBC-du todobaadyadii u dambeeyey qaadaa-dhigaysay warbixino ku saabsan sheekada Orodyahanka caanka ah ee Xuseen Cabdi Kaahin oo hore saaxada Ciyaaraha looga yaqaanay Mo Faarax, kaasoo marka ay ka waramayaan meesha uu ka soo jeedo ay ku tilmaameen waqooyiga Soomaaliya. sidoo kalena dhacdooyinkii yaraantiisii uu la kulmay, sida qaabkii loo dilay Aaabihii ay ku tilmaameen dagaal sokeeye, taasoo ah arrin lagu manjaro-habaabinayo xaquuqii ay Ciidamadii Soomaaliya u geysteen shacbiga Somaliland.

Qodobadaasi iyo kuwo kale oo ay kamid yihiin inay buunbuuniso dhacdooyinka yar yar ee gudaha Somaliland ka dhaca, ayaa loo aanaynayaa inuu ka dhashay go’aanka Xukuumadda Somaliland shaqada uga joojisay Idaacadan BBC-da oo kamida laamaha warbaahineed ee ugu afka dheer ee Reer Galbeedka.

shacbiga Somaliland oo ka hadlay talaabada ay xukuumaddu ka qaaday BBC-da ayaa soo dhaweeyey go’aankaasi.

Ugu dambeyn Idaacada BBC-da ayaa hawada ka maqan laga bilaabo markii maanta go’aanku soo baxay.