Mid kamida Riyooyinkii Sh. Aadan Siiro

Taariikhda Sh. Aadam Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan-Siiro) waxa aan u daynayaa raggii ay isku faca ahaayeen, gaar ahaan culimadii iyo ardaydii ay dacwadda soo wada bilaabeen balse, waxa aan jeclaystay in aan waxyar ka idhaa muddadii aanu is naqaanay, sifooyinkii u gaarka ahaa iyo waxtarkii aan ku bartay.

Sh. Aadan Siiro, Illaahay SWT ha u naxariisto e waxa uu magaalada Hargeysa ku dhashay sannadkii 1962-kii – Sida uu ii sheegay walaalkii Sh. Maxamed X. Maxamuud. Waxbarashadiisii hoose ilaa sare waxa uu ku dhamaystay dalka gudihiisa. Intaas wixii ka danbaysay waxa uu ku hawlanaa hawlaha fidinta diinta, isaga oo magaciisa si fiican looga yaqaanay Soomaaliland iyo dhulalka kale ee Soomaalidu degtaba. Sheekh Aadan Siiro waxa uu ka mid ahaa culimadii kaalinta weyn ka gaystay fidinta diinta islaamka, waxaanu ka mid ahaa raggii aas’aasay xarakadii dacwadda ka shaqayn jirtay ee la odhan jiray ‘WAXDADDA’. Si gaar ah, waxa uu sheekhu wakhtigiisa oo dhan siiyay baadhida iyo faafinta taariikhda ama Siirada Nebi Muxammed (NNKH).

Sida uu mar aanu sheekaysanaynay ii sheegay way yarayd kitaab (buug) siiro ama taariikhda Islaamka ku saabsan oo aanu daraasayn. Buug kasta oo ku saabsan sooyaalka rasuulka (NNKH) iyo saxaabadii wuu dirsan jiray isaga oo marmarka gaar buugtaas ku bixin jiray lacag aad u badan.

Hordhacaas kooban kadib, sifooyinka aan Sheekha ku bartay waxa ka mid ah:

1. Deeqsinimo: Waxa uu ahaa samo-fale gacan furan oo had iyo jeer hantidiidsa, wakhtigiisa iyo wixii lagu soo hagaajiyo ku bixiya danta guud, sida: xabaalaha, masaajidada, madarasadaha, masaakiinta, agoonta, abaaraha iyo meel kasta oo ay baahi ka jirto.
2. Run-sheegis: Waxa uu ku suntanaa qof aan la gabban runta xitaa haddii ay qadhaadhahay.
3. Hiil: Hiil iyo in uu had iyo jeer garab galo cid kasta oo dulmane ah.
4. Damiir-wanaag: waxa uu ka damqan jiray wax kasta oo dhibaato ku ah arrimaha bulshada iyo danta guud.
5. Xallinta khilaafaadka: Waxa uu u abaabulnaa sidii uu gacan uga geysan lahaa ama u xallin lahaa meel kasta oo dhibaato laga soo sheego, gaar ahaan khilaafaadka dhulka iyo qoysaska.
6. Waddan-jacayl: Waxa uu ku celcelin jiray in nabadgelyada iyo waddanka la ilaashado, isaga oo had iyo jeer ka warami jiray dhibkii iyo duruufihii ay ummaddu u soo martay nabadgeliyada iyo dawladnimada aynu haysanno.
7. Feejignaan: Sheekhu keliya kuma koobnayn dalka ee waxa uu had iyo jeer la socon jiray xaaladaha iyo dhibaatooyinka haysta guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaan Falastiin iyo dalalka kale ee la midka ah.

Inkasta oo ay jiraan mashaariico badan oo khayri ah iyo dad danyar ah oo uu gacanta ku hayay, hadda waxa aan halkan ku xusi doonaa laba masharuuc oo uu had iyo jeer ka warwari jiray. Weliba mid ka mid ah uu ku ducaysan in uu Illaahay SWT goob joog ka dhigo masharuucaas oo dhammaaday. Labada mashruuc mid ummaddu way ka war haysaa, waa xabaalaha, gaar ahaan xabaalaha Baqiic oo uu gacanta ku hayay, xilliyadii u danbaysayna uu u soo iibiyay cagaf, isaga oo kaashanayaa samofalayaal. Dhammaan maamulka iyo kharashka billaha ah ee ku baxa xabaalaha sheekha ayaa bixin jiray.

Mashruuc labaad, waa mashruuca Qur’aanka Kariimka ah. Guddi uu Sheekhu hormuud u yahay waxa ay kal hore bilaabeen in Jaamacad Qur’aanka u gaar ah oo heer caalami ah laga dhiso Hargeysa. Jaamacadda waxa loogu talogalay in ay wax ku bartaan ku dhawaad shan kun (5000) oo arday xufaad ah. Maadaama oo ay tahay Jaamacaddii ugu horaysay ee nooceeda ah oo laga hirgeliyo geeska Afrika, waxa ay u furnaan doontaa xufaadda ka soo jeedda Ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha. Waxa lagu baran doonaa takhasusaadka dhammaan culuunta Qur’aanka, Shareecada Islaamka iyo barbaarunta. Jaamacaddu waxa ay ka kooban tahay saddex dabaq, hool weyn iyo masaajid laba dabaq ah. Wadarta lacagta ku baxaysa waxa lagu qisaasay laba milyan iyo toddoba boqol oo dollar, waxa aan ku jirin dhulka laga dhisayo oo Jaamacadda loogu deeqay. Qiimaha dhulku waxa uu joogaa laba milyan.

Wejigii koowaad oo hadda gabogabo ku dhaw waxa ku baxay hal milyan, lacagtaas waa la bixiyay. Waxa ku deeqay shirkado iyo dad muxsiniin ah. Waxa hadhay wejiga labaad iyo qalabaynta oo lagu qiyaasay hal milyan iyo toddoba boqol oo doollar. Lacagtaas weli lama hayo, waa hawlihii uu sheekhu ku hawlanaa.

Maalmihii u danbaysay ee uu noolaa waxa uu igu yidhi: “Mustafooow, wakhtigaygu wuu gaaban yahay, waxa aan doonayaa inta noloshayda ka hadhay in aan Qur’aanka u adeego oo aan jaamacaddaas dhammaystiro.” Illaahay SWT ha ka aqbalo. Dhammaanteen, gaar ahaan dadkii ay sheekha isu dhawaayeen iyo guddidii mashruuca waxa la gudboon in ay riyadii sheekha ka dhabeeyaan oo la dhammaystiro Jaamacadda Qur’aanka Kariimka ah.

Gabogabadii, waxa aan ka jawaabayaa su’aal ay dadku aad isu waydiin jireen oo ahayd, sheekhu muxuu had iyo jeer siyaasadda uga hadlaa? Waydiintaas jawaabteedu waa: Sh. Aadan Siiro waxa uu aaminsanaa in aan la kala saarin nolosha iyo diinta ama siyaasadda iyo diinta. Waxa uu odhan jiray diintu wax walba xal ayay u keentay, haddii ay noqoto dhaqaalaha, siyaasadda, dawladnimada, arrimaha bulshada iwm.

Ilaahay ha u naxariisto Sheekh Aadan Siiro. Qoyskii iyo dadkii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ha kasiiyo. Sheekhu waxa uu ka tagay sagaal carruur ah iyo hal xaas (saddex rag ah iyo lix gabdhood).

Mustafe Adam