“Waxaan ahay hoggaamiye hadaf iyo mowqif leh oo u taagan midnimada Somaliland” – Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka SPP Saleebaan Xaglatoosiye

Buuhoodle (GNN)-Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Shacabka Somaliland (SPP) Dr. Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka kooban xubno kamida aasaaseyaasha ururkaasi oo booqasho wada-tashi iyo baraarujin ah ku tegay gobollada bariga, isla markaana munaasibado soo dhaweyn ah loogu sameeyey magaalooyin kamida gobolladaasi, ayaa kulan balaadhan kula yeeshay Madaxdhaqameedka, waxgaradka, aqoonyahanka, Haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada magaalada Buuhoodle, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen hormuudka taageerayaasha ururkaasi ee Buuhoodle, looguna talogalay in lagu soo dhaweeyo weftiga.

Guddoomiyaha Ururka SPP Saleeban Xaglo-toosiye oo uu weftiga ku wehelinayo Ambasaddoor Siciid Maxamed Daahir Afqarshe iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan aasaaseyaasha Ururka, ayaa madasha lagu soo dhaweeyey ka jeediyey hadallo isugu jira guubaabo iyo wacyigelin la xidhiidha u diyaar-garowga Doorashooyinka soo socda ee Ururrada siyaasadda iyo madaxtooyadda, waxaanay u beyaamiyeen in aan socdaalkoodu ahayn mid salka ku haya Ololle, balse uu daaran yahay wada-tashi iyo baraarujin.

Ambasadoor Siciid Maxamed Daahir Afqarshe oo xaflada ugu horayn hadal ka jeediyey, ayaa ka soo qaybgaleyaasha uga waramay sidii lagu aasaasay ururkan, ujeeddooyinka uu ku waajahayo siyaasadda dalka iyo fursadaha uu haysto ee uu ka gadayo shacbiga iyo waxyaabaha laga doonayo bulshada ku dhaqan gobolka Buuhoodle, isagoo tilmaamay in magaca ururku ka turjumayo higsiga iyo himillooyinkiisa, isla markaana uu yahay xisbi siyaasaddiisu ku qotonto Somaliland la wada leeyahay.

Ambasadoor Siciid, waxa uu ku booriyey shacbiga reer Buuhoodle inay isu diyaariyaan ka qaybgalka Doorashada tooska ee ururrada Siyaasadda si ay ururkan ugu soo saaraan inuu kamid noqdo saddexda Xisbi qaran ee soo socda.
Xubno ku hadlayey afka madaxdhaqameedka, waxgaradka, dhalinyarada iyo Haweenka munaasibada ku sugnaa, ayaa dhankooda dareen taageero iyo yihdiddiilo leh ku soo dhaweeyey aasaaska ururka SPP, iyagoo tilmaamay in hogaamiye xaglo-toosiye wax badan gashaday shacbiga Somaliland, isla markaana gobolka Buuhoodle la dareen iyo doonis yahay siyaasigan hogaaminaya Ururkaasi.

Madaxdhaqameedka iyo waxgaradku waxay bulshada gobolka ku adkeeyeen inay u diyaar-garoobaan doorashada ururrada, iyagoo ugu baaqay Dawladda in diwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashada la sanaaduuqda la keeno deegaamada gobolka ee aan hore looga hirgelin, taasoo ay shacbigana ugu baaqeen inay si mug iyo miisaan leh uga qaybgalaan.

Waxa kale oo ay ka warameen taariikhda siyaasaddeed ee Guddoomiye Xaglo-toosiye iyo kaalinta uu ku jiray tan iyo markii uu saaxada siyaasadda soo galay, waxaanay muujiyeen inuu yahay hogaamiye halgan iyo hayaan dheer u soo maray damaciisa siyaasaddeed.
Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) Guddoomiyaha Ururka Somaliland People’s party (SPP) oo munaasibadaasi khudbad dheer ka jeediyey, ayaa shaaca ka qaaday inay shacbiga gobollada SSC haystaan fursad ay talada Somaliland hogaaminteeda qayb kaga noqon karaan, taasoo ah in la helo xisbi ay manjaraha u hayaan siyaasiyiin ka soo jeeda deegaamadani.

Waxa tilmaamay inuu tobankii sannadood ee u dambeeyey ka shaqaynayey sidii uu qayb uga noqon lahaa dheeli-tirka Siyaasadda Somaliland, loona gaadhi lahaa qaneeco loo dhan yahay oo ku saabsan qadiyadda JSL, si meesha looga saaro tabashada shacbiga uu ka soo jeedaa ka qabaan dawladnimada “Siyaasigu waa laba nooc; Nin isagoo dukaankiisa haysta nin madaxweyne ahi magacaabo oo sidaas siyaasadda ku soo gala, marka xilka laga qaadana dukaankiisa iskaga noqda iyo siyaasi hogaamiye ah oo wakhtigu magacaabo oo aan u baahnayn digreeto iyo magacaabis qof kale ee mowqif iyo hadaf leh. Kolay Is ammaani maayee waxaan isu arkaa in aan ahay kuwa hogaamiyeyaasha ah, waxaanan leeyahay Hadaf”.. “waxaan ahay hogaamiye hadaf iyo mowqif leh oo u taagan midnimada Somaliland la wada leeyahay”

Guddoomiye Xaglo-toosiye ayaa mar kale isagoo u xog-waramaya taageerayaasha madasha ku sugnaa yidhi “Somaliland ayaad igu ogaydeen tobankii sannadood ee u dambeeyey SSC kaddib oo aan joogay, intaaba waxaan ka shaqaynayey sidii ay Somaliland iyo dadkaygu wax u wada yeellan lahaayeen, waxaana daraasado badan oo aan sameeyey iiga soo baxday in loo baahan yahay in la helo xisbi. Waayo? Xisbiyada ayaa hormuud ka ah siyaasadda Somaliland, xisbiyaduna waxay ku yimaadaan tobankii sannaba in mar ururrada la furo, markaa isku-daygan waxaan rajeynayaa in aan guul kala kulano”ayuu yidhi Xaglo-toosiye oo ay khudbadiisu si weyn u taabatay quluubta munaasibada ku sugnayd.

Waxa uu isagoo hadalka sii wata intaasi ku daray inuu doonayo “waxaan jecelahay oo aan doonayaa Somaliland la wada leeyahay, aadbaanan ugu deddaalayaa, alle ha u naxariisto Cali Khaliif Galaydh isagoo doonaya ayuu dhintay, casharna taasaa iigu filan. Waxaan u arkaa maanta ururkan aan ku dhawaaqnay haddii uu ku guulaysto inuu xisbi noqdo in la gaadhi doono Somaliland la wada leeyahay, waxaanan doonayaa in aan qaybtayda maanta fuliyo oo aan hormuud ka noqdo”

Ugu dambeyn waxa uu bulshada reer Buuhoodle kula taliyey “ in aad nabad-gelyada meel uga soo wada jeesataan, in aad derisyada nabad kula noolaataan iyo in aad midowdaan”ayuu yidhi, isagoo ka dalbaday inay u diyaar-garoobaan hawlaha Doorashooyinka iyo inay cod iyo cududba ku taageeraan Ururka SPP.