Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo xilka la wareegay

Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda macdanta iyo Tamarta JSL Foosi Maxamed Faarax ayaa xilkii kala wareegay Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Md. Mukhtar Maxamed Cali oo uu madaxweynuhu u magacaabay guddoomiyaha Hay’adda tayo-dhowrista Qaranka.
Munaasibada Xilwareejinta oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda, waxa ka soo qaybgalay xubno kamida golaha Wasiirrada, agaasimeyaal guud, masuuliyiin ka socday hay’addaha madaxbanaan ee xukuumadda, Agaasime-waxeedyada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda, madaxdhaqameedyo iyo marti sharaf kale.
Wasiirka wasaaradda macdanta iyo Tamarta Md. Cabdilaahi Faraax Cabdi, wasiirka wasaaradda horumarinta reer Miyiga Md. Axmed Aadan Jaamac, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Md. Mustafe Maxamed Cali (Godane), wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Md. Maxamed Xaaji Aadan, guddoomiyaha Komishanka tamarta Qaranka Axmed Faarax Caddare, guddoomiye ku-xigeenka komishanka Maamul-wanaaga iyo masuuliyiin kale oo uu kamid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaan-dhiga, ayaa ka qaybgalay xaflada xilwareejinta.
 
Masuuliyiintan oo dhamaantood munaasibadaasi khudbaddo ka jeediyey, ayaa isaga markhaati furay in agaasimaha guud ee xilka wareejiyey Mukhtar Maxamed Cali uu ahaa shakhsi hawlkara, isla markaana waxay alle uga baryeen inuu u fududeeyo xilka cusub ee loo igmaday.
Sidoo kale waxay masuuliyiinta madasha ka hadlay alle uga baryeen agaasimaha cusub ee shaqada la wareegay Md. Foosi Maxamed Faarax inuu alle xilka iyo masuuliyadda loo igmaday ku asturo, iyagoo shaqaalaha weynaha wasaaraddana kula dardaarmay inay ula shaqeeyaan si hufnaan iyo xilkasnimo leh.
Gebagebadii Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore ayaa si rasmi ah xilka waxa ugu kala wareejiyey Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta iyo guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa.