Somaliland iyo Itoobiya oo heshiis ka gaadhay qiimaha Jaadka iyo Khudrada

Somaliland iyo Itoobiya ayaa heshiis ka gaadhay qiimaha Jaadka iyo Khudrada, kaddib  kulamo dhex maray wefti ka socda Xukuumadda Addis Ababa iyo masuuliyiinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Heshiis ka kooban afar qodob, ayey wada gaadheen masuuliyiinta labada dhinac, waxaana u saxeexay Somaliland wasiirka Arrimaha dibada Ciise Kayd.
Qodobada Heshiiska oo uu boggiisa Facebook ku baahiyey Dr. Ciise Kayd, ayaa u dhignaa sidan:
“Anigoo ah, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Mohamuud waxaan Saxeexay heshiiska dawlada Ethiopia aan dawlad ahaan la galnay, waxaanay qodobadda heshiiskaasi ka kooban yihiin sidan:
1. Somaliland iyo Ethiopia waxay aqoonsadeen ahmiyada ay leedahay xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee labada dhinac ka dhaxeeyey.
2. In maanta oo ay bishu tahay 7.7.2022 dib loo celiyo qiimihii qaadka iyo khudaarta lagu iibin jiray ee hore loo dajiyay.
3. In la sameeyo guddi farsamo oo ka hortagta dhibaatooyinkaas oo kale, oo sameysana daraasaad sax ah oo loogu helo arrimaha noocaas oo kale.
4. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la sii dawado heshiisyadii si loo dhammeeyo heshiisyadii dhinaca baayac-mushtarka gadiidka iyo isu-socodka (transit-ka) iyo horumarinta dekeda Berbera oo ku salaysan heshiisyo hore ama wada-hadallo hore u dhacay in halkaas laga sii wado.
Dhinaca kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa weftigii sare ee ka socday Dawladda Federaalka Itoobiya, ku qaabilay qasriga Madaxtooyada gelinkii dambe ee Khamiista maanta.