Guddoomiyaha Urur-siyaasaddka Shacabka Somaliland ‘SPP’ oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Laascaanood

Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Shacabka Somaliland (SPP) Saleban Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasoo ay booqasho ku tageen.

Boqolaal dadweyne ah oo wata boodhadh iyo agab kale oo lagu xardhay sawirrada Hogaamiyaha SPP iyo hal-ku-dhigyo soo dhaweyn ah, ayaa kaga hor yimi duleedka Magaalada Laascaanood, waxaana loo gelbiyey munaasibad balaadhan oo loogu diyaariyey hudheel Casuura.

Xubno kamida Madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo haldoorka gobolka Sool oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Guddoomiye Xaglo-toosiye gobolada SSC tacab badan iyo waxtar la mahadiyey uu geliyey mudaddii Wasiirka ka ahaa Xukuumadda Somaliland, horena uu u ahaa hogaamiye muruq iyo maalba geliyey xuquuqda bulshada goboladaasi ku dhaqan.

Waxa ay intaasi ku dareen inay taageero buuxda ay la garab istaagayaan sidii uu SSP uga mid noqon lahaa saddexda xisbi Qaran  ee soo baxa.

Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo madashaasi khudbad ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahad-naqay dadweynaha reer Laascaanood ee sida weyn u soo dhaweeyey, waxaanu sheegay inuu ugu yimi wada-tashi iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa hawlaha Doorashada ururrada.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Gobolka Sool, ayaa kamida deegaamada uu taageerada weyn ka haysto Ururka SPP oo ah ururkii ugu horeeyey ee dalka lagaga dhawaaqay, isla markaana isu diwaangeliyey saaxada tartanka.