Wasiirka Tamarta iyo macdanta JSL oo kulamo kula yeeshay Addis Ababa Wasiirka ada Maaliyadda Itoobiya iyo masuuliyiin kale

Addis-ababa (GNA) Wasiirka Wasaaradda horumarinta tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi oo socdaal ku joogga Magaalada Addis ababa, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin  sar sare oo ka tirsan  xukuumadda Dawladda Federaalka Itoobiya.

Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo halkaasi ugu sugan socdaal shaqo ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya  Md. Axmed Shide oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxaanay ka wada hadleen sidii ay iskaashiga ka dhexeeya u xoojin lahaayeen labada dawladdood, una abuuri lahaayeen mashaariic ku taxaluqa aaggag muhiim ah oo faa’idooyin u leh labada dal.

Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi wasiirka tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si khaasa dhigiisa maaliyadda ee xukuumadda dalkaasi ugala xaajooday sidii  Dawladda Itoobiya mashaariic dhanka Tamarta ah oo jaban u keeni lahayd Somaliland, taas bedelkeeda Xukuumadda Somaliland ay diyaarinayso wadiiqooyin iyo bay’ad arrimahaasi ku midho-dhalaan.  

Geesta kale, weftiga wasiirku hogaaminayaa waxa ay sidoo kale la kulmeen Wasiirka wasaaradda Biyaha iyo tamarta Dawladda Itoobiya Dr. Ing Habtamu Itefa iyo  wasiir u dawlaha wasaaraddaasi Dr. Eng.  Suldaan Wali, waxaanay ka wada hadleen hawlaha dhinaca tamarta ee labada Dal, siyaabaha ugu fudud ee ay isaga gaashan karaan labada dawladdood iyo talaabooyinka hor-tebinta leh ee lagu gaadhi karo Iskaashi buuxa oo laba geesood ah.

Masuuliyiinta wasaaradda Biyaha iyo tamarta  Itoobiya , waxa ay wasiirka iyo weftigiisa uga xog-warameen fursadaha aagga tamarta ee ay hayaan iyo qorsheyaasha uga meel yaalla sidii ay ugu fidin lahaayeen wadamada gobolka oo ay Somaliland kamid tahay.

Wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi, waxa ku wehelinayey kulankaasi Guddoomiyaha Komishanka Tamarta qaranka Axmed Faarax Caddare iyo safiirka JSL u fadhiya dalkaasi Amb. Maxamed Axmed Cawad.

Xukuumadda Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyey xoogga saartay sidii dalka uga hirgelin lahayd Tamar ku filan oo laga abuuro adeeg Koranto oo jaban, isla markaana leh bad qab iyo waaritaan mustaqbal.