Siyaasiyiintii Mucaaridka oo Xabsi laga sii daayey iyo Cabdilaahi Cukuse oo hadlay

Xubno ka tirsan Asxaabta mucaaridka oo ay ku jiraan guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI iyo siyaasiga caanka ah ee Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa laga sii daayey Xabsiga Magaalada Mandheera oo ay muddo bil ku dhow ku xidhnaayeen.

Siyaasiyiintan, ayaa waxa xabsiga loo taxaabay horaantii bishii June,waxaana markii la qabtay maalin kaddib loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera.

Ergo dhexdhexaadineed oo iskood isugu xilqaamay oo ku dhex jiray xalinta khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo asxaabta mucaaridka, ayaa dedaal socday muddo laba todobaad ka badan waxa ay ku guulaysteen soo deynta xubnahan mucaaridka ka xidhnaa.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo kamida siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI oo markii maanta la soo daayey warbaahinta hadal kooban siiyey, ayaa ka waramay qaabkii loo xidhay iyo sida loogula dhaqmay Jeelka.

Halkan ka Daawo Muuqaal: