Go’aamo ka soo baxay kulan dhex maray Madaxweynaha iyo Ergada dhexdhexaadinta Mucaaridka

Hargeysa-05-07-2022-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay xubnaha ergeda is xilqaantay ee dhexdhexaadinta ee ay hoggaaminayo Gudoomiyaha golaha guurtidu.

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen xubnaha qaranka ugu sarreeya oo ay kamid yihiin madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo xubnaha ergeda is xilqaantay, ayaa diiradda lagu saaray sidii Meesha looga saari lahaa buuqa iyo khilaafka siyaasiga ah, loona daaweyn lahaa tabashada ay mucaarudku qabaan.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergeda is xilqaantay soo dhaweeyey, waxana uu muujiyey in masuuliyadda qaran ee uu hayo iyo damiirkiisuba farayaan inuu danta qaranka ka shaqeeyo, kuna dheggenaado xeerarka iyo shuruucda dalka, maaddaama oo uu yahay ilaaliyaha Dastuurka Dalka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu dhinaciisa xadhigga debciyo oo uu muhiimad siiyo wax kasta oo dhinacyada siyaasadda isku hayaa isugu soo dhawaan karaan.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Qaranka ka codsaday inuu sii daayo xubnihii mucaaridka ahaa ee lagu xidhxidhay rabshadihii mudaharaadkii dhawaan Hargeysa ka dhacay, taas oo uu madaxweynuhu si masuuliyad leh u aqbalay.

Dood iyo wada-hadal dheer oo saacado socday kaddib, waxa la isla qaatay labadan qodob oo ibo-fur u ah in is faham buuxa la gaadho, lana abuuro jawi isu soo dhawaansho iyo heshiis horseedi kara, kuwaas oo kala ah:

• In lasii daayo dhammaanba xubnihii mucaaridka ahaa ee xidhnaa, sii dayntoodana loo maro nidaamka sharci ee dalka u dejisan, taas oo ah inay xeer ilaalinta iyo Boolisku ka laabtaan eeddii xubnahaas loo haystay, si ay maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex xorriyaddoodii ugu celiso, kol haddii ay eeddii la noqdeen hay’adihii ku shaqada lahaa, taas oo isla maantaba bilaabantay, lana sii daayey.

• In guddoomiyaha golaha guurtidu oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ahi ay maalinta berri ah isu keenaan madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo hoggaanka madaxda labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, si wada-hadalkii rasmiga ahaa ee gogosheeda madaxweynuhu fidiyey u bilaabmaan.

Ugu dambayn markii shirkaasi soo dhamaaday waxa Afka ergeda ku hadlay, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay maalintii labaad iyo sida xilkasnimada leh ee uu u aqbalay soo jeedimihii dhinacooda ka yimi, isagoo soo bogaadiyey qodobada ka soo baxay shirkaa maanta.